GACALLAW ASTAADKEENNA
Gabaygan tuducyadaan yar laga hayo waxa uu ismaaciil mariyey 1904tii kolkii Daraawiishi Gelingaalle Xarunta ka dhigatay ee ay Bari ka soo rogmatay. Siduu ‘u soo baxay haddaannu Daraawiish ka warsannay waxay noogu sheegeen sidatan soo socota:
Nin fa oran jirey Ducaale-qarris oo ka mid ahaa rag-gii Sayidka iyo Daraawiishta colaadda u hayey ayaa rag ay wada degmo ahaayeen ugu sheekeeyey inuu ku riyooday isagoo Sayidkea hooto ku gamay, dabadeedna uu si lama-filaan ah uga gabbaday. Sheekadaas markuu sheegay ka dib ayuu mariyey tix gabay ah oo daandaansi iyo aflagaaddo ku dhan tahay, ahaydne:
Hootadaen Goldheer iyo ka riday Xanamo guudkooda
Waxay sii gigleysaba hadday Odala’di paadhay
Wadaadkii sidee uga gabbaday waa golmaran kitye
Hadalku ma daahi jfirine waxaa tixdaas laga soo qaaday Cayn dhankeeda kocfureed. waxaana Ia peeyey Xeebta Ayl lyo guryo Daraawiisheed. Sayidka ka sokow, aad bay Daraawlishtii uga xumaatay, waxayna rag iyaga ka mid ahi_feclaysteen in Sayidku ninkaas ku fasaxo oo ay isagoo gacmo xiran xarunta keenaan!. Sida ay runtu tahay Ducaale hadalkaas dhihiddiis: kuma dhict kareen haddii uusan halkauu degganaa degganayn ee uu Xarunta intaas uga dhow yahay, maxaa yeelay, durbadiiba waxaa soo food saari lahaa rag amarrada Sayidka u heellanaa 0o la hubo inay wedkiisaba joogi lahaayeen !.
Ismaaciil Mirz tixdaas Ducaale qarris tix le’eg ama ka badnayd, hase uhaatee kala hallawday, ayuu ka yiri, waxayna ahayd: .
Gacallow Astaadkeenna' iyo godolladii Dhoddi
Iyo Booso’ oo gaamurtiyo Calansidoo gaaxxan
lyo Booso’ oo gaamurtiyo Calansidoo gaaxsar
Ararsarne sidee uga gabbaday waa golma-rankitye !
Sayid Maxamed, faraskiisa Dhooddi, geenyadiisa Booso ah, Calanside oo aan in dhawaale dagaal gelin iyo geesiga Yuusuf oo Soohaad ku jooga, sidee buu Ararsame uga gabban karaa oo uga geli karaa, waaba kuwii aan waxbaba lahayne
Sayidku intaas ugama harine wuxttu Ducaale-qarrisu mariyey gabay dheer’ oo ka billawda:
Ninka ytri wax baan gani anoo Gof iyo Cayn’jooga
Ee yiri baddii Garacad” baan gudub u weydaarin
Godka lagu cadeabyow muxuu go’uhu been sheegay !