GABAY JACEL AH

GABAYGAN JACELKA AH WAXAA TIRIYEY;

SEID SANAAG(SANAAG DARWIISH)


  1. Afkiyo dibnahaa eebo qoray, itaalkeeda sugan

  2. Ilkahaa Cadaanka ku aleefan, aas- aaska ciridka

  3. Sankan alif la qoray  aad moodo, indhaheeda beedka ah

  4. Dhabanada ilayskaa widhwidhi, unuga xaadeeda

  5. Agabka kubabkaa ku yaal, illaah u maneestay

  6. Aduunkaba miyay jirtaa, gabadh aan agdhigo


  1. Quruxda dushaada lagu galadey, waa albaabkediiye

  2. Qaar danbana ilaah siiyay, qaalidaa qoorta ku taal

  3. Ninka arkaa waa ilmeeyaa, afku juuq gabaaye

  4. Allaylehe waa xuural cayn,ifka lay keenaye

  5. Meel qudhana iin kuma looho, waa ilwaad quruxe

  6. Eebow allahayoow ii daa,waa ishaaradaydee


  1. Aayar socodka laafyaheeda, abuur dhamaystiran

  2. Udgoon carafta ruuxdeeda, awliyo la mooda

  3. ruuux xishootoo, xumaanta aan aqoon

  4. Afminshaarad been aan aqoon, ilaah ma caasido

  5. Indheer garadad maanfayoobo, rasuulkii adeecday

  6. Aduunkaba miyay jirtaa gabadh, aan agdhigo karo


  1. Albaqra kitaabka quraankiyo, aayadaha dhadheer

  2. Allam  nashrax iyo allamtara,  alhaakun subcisaay

  3. Salaada shanta ah aroortii , iyo al cishaaba

  4. Intay dhamaan yihiin oogaay, asiiba wanaagey

  5. khaamiis dhalad saxoo la hubaay, arafa naas nuugay

  6. Aduunkaba miyay jirtaa, gabadh,aan ku agdhigo karo


  1. Iftiin dayaxoo shaniyo tabna, oogta waabariyeey

  2. Oo roobku da aaayo duunyadan timide

  3. Qoraxda aroorti soo baxdoo, aduunka nuurisay

  4. Xidighii saree aaga samada, ilaah ku beeray

  5. Ubax hargeeliyo ku yaal banka, masagan dhankeeda

  6. Amase ciidii Sanaag midabka,casaan olalaaya

  7. Ceergaabiyo inay ku barbaartay, qureeshta agtooda

  8. Ninku arkaa waa qiri ,inaad ebyan tehe

  9. Asaaga hablaha maanta jira,miyaan indheeyaaba 


  1. Asal dhalad xaalaalo hooyo, iyo aabo raacday

  2. Akhlaaq mid lagu koriyoo aan, aafaba aqooney

  3. Asluub wacan  dulqaad bilan, iimaan sad uheshay

  4. Ajiibta hadalka Aabheed, alleh jano geygii

  5. walaalheed korisaaay, edaabsan bilaneey

  6. Halkaad nasab ugu aroortaa, loo wada ordaaye


  1. Allow ninkii adiga ku hellaa, aduun sawma hanan

  2. Sawmaanan ifkaba jannadii, aayar la gudoonsiin

  3. Sawmaanan insaankii dhamaan, ilaah ka saraysiin

  4. Intaanu gabaygu sii durkin, waan soo afmeeriye

  5. Nin dartaa ambaday baan ahoo, aduunyaba mooge

  6. Nin dartaa loo irdheeyaan ahay,oo asxaapti diide

  7. Sedex sano nin ooman baan ahay, oo ooyayo liite

  8. Nin habeeniyo aroor walbaba, urugoonayaan ehe

  9. Asaagay nin kaligaa ku jecel,  oo ololaybaan e

  10. Aduunkaba dhami siduu uyaal, nin  kaa eegtay ahaye

  11. Ninkaa awgaa sugaan ubartay, ee alifaayane 

  12. Aagii uu maraba wiilkaa,   la eryanaayaane 

  13. Dumarkale ma eegoo waan,  arag basaasaye

  14. Indhahaygu ma qabtaan inan, aan adi ahayne

  15. Afkana ruux kale  uma furoo, waan abaarsadaye

  16. Aamusay sidaan ahay abaydin, aan afkii barane

  17. hablahaan gayaanka u ahaa, orad ku dhaafaye

  18. igasoo gaadh bal caashaqani, intaanu i oofsan.

SANAAG DARWIISH