Waataynu horay u niri Ismaaciil wyxuu ahaa nin gabaygiisu dhow yahay oo wax yari ka gabaysiin karaan. Taas macnaheedu ma aha inaan gabaygiisu qoddo dhee: lahayn, waxsuu yahay nin wax kasta oo dadku yaraysto isagu murti ballaaran ka abuuri kara oo macne weyn u yeeli kara. Raggii hore oo gabyi ogaa waa ku yaraayeen kuwo xoolaha gabayga ugu dhuunta oo marka ay rabaan inay arrin ku soo dGhacday daaha ka qaadaan neef geela ama ari ah doodda u jeecdiya. Ismaaciil dhankaas hanagaad buu ku yahay, wuxuu u gabyey sidaannu soo aragnay hashiisii «Markab», waxaannu haddana arki doonna isagoo wan u gabyaaya, mar kale isagoo orgi u gabyaya, mar kalena isagoo guuguule u gabyaya kolkaannu u soo dhacno gabayadiisa kuwii ugu dambeeyey.
Ismaaciil arigitsii o o daaqaya ayuu soo dhex maray. Kolkuu isha mariyey wuxuu ku dhex arkay wan Ina Deylo gorod la yiraahdo oo si fiican u cayilay, baraarkii kalena aad uga horreeya. Xilligu wuxuu ahaa xilli kulul oo diraac xumi dhulka saabatay. tuugadiina badatay. Intuuwankii cegay ayuu yrri, «Wallee Ina Deylo gorodow, inaad sidaas u cayishaa Kuuma roona». Markaas buu gabyey, isagoo waqtiga la joogey tilmaamaya ;
Ina Deylo gorodow haddaad dooni inaad naaxdo
War baan kuu daliilinahayaa haatan kaa dedane
Dad iyo duunyo waa aakhir seben lays dillaacsadaye
Dul ballaaran labo awlal' uu deexday dhinacoodu
Deddeb* buuran inaad yeelataa waa hal kuu darane
Dugiahaaba’ kuu dhaama bari inaad dadduuc daa yet
Ragga delebka’ jeexday ee timaha deebta mari: naaya*
Waa wada dufule tuuga oo dubay baraarkiiye
Durrimahd! agtoodaba ha marin yay ku daakhiline
Dumarkana bar baa xada ilmaha soo dabayshada e
Dar kaloo haweenihi wixii dagan ma daayaane
Cilmi daallin iyo Jaamac’ oo sebenku daadduunshey
Hadday kugu dareemaan baruur ma adan daaqdeen?
Dux ha yeelan weligaa haddaad war iga dooneyso.