Sayid Maxamed sidaannu hadda ka hor dhawr jeer carrabka ku dhufannay wuxyu Ismaaciil Mire u diri jirey dhulka ay Daraawiishi saldhigyada ku lahayd, qalcaduhuna uga dhisnaayeen. Ayl baa mar loo diray oo Daawad ku till, haddana weli ku taal. Waxay isarkeen ninkii qalcadda madaxda ka ahaa oo Dhawre’ la oran jirey, markaasuuna ka qarin inuusan u bogin sida ay isaga iyo Daraawiishta uu haystaa aysan u feejignayn ama sida ceelka daarta ku dhex yaal aan loo daryeelin ama aan deyrka xooluhu uadkayn. Intaas oo idil oo ceebaal ah haddii lagu arkay ayuu Dhawre baqay oo ka cabsaday inuu fsmaaciil wax walba Sayidka u sheego, dabadeedna uu xujoobo! Halkaas ayuu gabay ka mariyey uu isku xujo furayo. Ismaaciil ayuu u sii dhiibey, kuna halqabsaday :
Ismaaciil adaan daayinkaa diinta laayicine
Markuu waagu daalaco adaa dawga sii mariye
Dacwaddaan ku faro iiga gee daahirkii weliga'
Ha dayicin walaalow aduu khayrku kuu duxiye
Daraawiishta qaybsii intaad daacad ugu sheegto
Duco waalid waad qabi jirtaye delidhac hawyeelin
Daar nimaan lahayn baa digniin dani ka haysaay?
Derejaale aabbahay hadduu Daawad nagu jaaday
Dooyada intaan galay miyaan libin ku daanshooday
jikre’ danab’ la moodiyo rasaas dininigleyneysa
yo wiilal wada duub cad oo diinta nebi raacay
Oo gaalka wada dooxa oon duri ka reebaynin
Hadduu doora weynow kufrigu duullan soo bixiyo
Oo daarta Ayl yami haddaan haad ku dulufaaqin
Allaylehe afkaan soo dirsaday waa dalee! maran dheh!
Dhawre markaad gabaygiisa u fiirsatid waxaad ka garanaysaa inuu rumaysan yahay inaan Ismaaciil waxba qarin doonin ee uu Sayidka si caddaan ah ugu warrami doono. Sidaas daraaddeed ayuu isyiri, «Kolka muuji inaad Darwiish daacad ah tahay, si aan Jaguu tuhmin ama aan laysu oran kas buu wuxuu daarta ku falay ugu falay. Dhawre ma carrab baabin ceebaha lagu arkay qalcadda uu madaxda kaahaa, waxsuu dhaar adag ku maray inaan kolla cadow gacanta ku dhigeyn, haduu isku dayana in haadda loo wari doono !
Ismaaciil markuu Taleex ku soo noqday ayuu Sayid Maxamed war buuxa ka siiyey wixii ay Daawad ku sugnayd iyo sidii ay raggii jougey ee ilaalinaayey wax u maamulaayeen. Sidii horeba looga filaayey ma uu qarin inuu ragga iyo madaxda qalcadda saluugay. Diirka ayuu ka qaaday inaan ceelka daartu wanaagsanayn, inaan deyrka xoolaha la geliyaa adkayn iyo inaan daarta dhexdeeda xaabo badan oo la shito la dhigin; xaabadaasoo lagu isticmaalo kolka dibadda col ka yimaado oo hareeraha daarta laga fariisto ; dagaalkuna dheeraado. Intaas hadduu sheegay ayuu gabaygii la soo farayna Sayidka u mariyey.
Sayidku erayadii Dhawre soo diray si weyn buu ugu farxay, waana ugu duceeyey. Wuxuuse ku adkeeyey inuu feejignaado' oo uusan isdhigan, ceelkiisana daryeelo oo uusan durdurka Ayl dan u gelin. Intaas oo idil gabay kii uu dhawre soo diray la xaraf ah ayuu Sayidku ugu sheegay. Wuxuu yiri:
War Dhawrow dabuubtii aad tiri duco qab noo keenye
Darwiishkiina sheegyoo ma qarin, dacawigaagiiye
Hadalkii uu kaa soo damninay diirka ka caddeeye
Dadka maqal dibnaa inaad ka tiri gaal cad baan diliye
Anna waan ku diirsaday Ilaah derejo siiyow e
Maandhow dedaal yaadan nogon daadduf been badane
Hadduu doora weynow kufrigu duullan soo bixiyo
Oo uu soo dareersado wixii Dir iyo Daarooda
Maandhow dan haw gelin fulaa sii dabayshada e
Adigana derbaan kuu dhisaye dibadda haw boodin
Dogobta iyo xaabadana guro, ducuskanuu dhacnso
Durdurkana ha xaalaysannine dararso ceelkaaga
Duunyadan deyr adag' u dhigo yeeyan kaa didine
Dabkana hayska bixin yaan Iblays dawyo kaa ridine
Maandhow ninkii dawladaa kuu dagaallama e
Kuwii aumiyey Ilig’ waa waxaan daahir loo dhaiine
Maandhow Daawad yuu ina ka helin cadow ku soo doontay.
Sayid Maxamed iyo Dhawre waxay isku raaceen inuu Ismaaciil. duco qabe yahay. Sayidku wuxuu ahaa nin tanaan badan oo hal adag, dadkana wuxuu u qabo aan si fudud ugu sheegin. Ha yeeshee, halkaan sidaan u jeedno si caddaan ah ayuu Ismaaciil ammaan ugu jeediyey, wuxuu ku sheegay inuu duco qabe Darwiish ah yahay, nin uu labadaas tilmaamood ku Sheegay oo aan isaga ahaynna lama sheegin, hadduu fireyna gabayadiisa kuma hayno.