Ducaale Fagaase iyo Sayid mahamed Cabdille Xassan 


Ducaale Fagaase waxa uu ahaa geesi reer tiro badan ka dhashay aadna u geel badnaa. Wax uu ahaa jifo ahaan reer Hagar,Oo ah laf kamida Ahmed Garaad isaga iyo tolkii Reer Hagar badankooduna waxa ay ka mid ahaayeen Dhulbahantihii Tirada yaraa Ee aan Daraawiishta kamid ka noqon Ee Banaanka ka istaagay Halgankii Gobanimodoonka ahaa Ee beelwaynta dhulbahante Ay ingiriiska kula jirtay. Reer Hagar waxay ahaayeen qoys ama jifo Ahmed Garaad kamid ah Goor walbana udiyaarsan colaad Iyo dhac iyo duulaan oo Aan cidna waxba u ogayn. Hayeeshee Daraawiishi waxay ahayd Dhubahante ciiddaa ka badan oo jifo walba leh oo magacaa ku wada midaysan, magaca daraawiishna uu oola midyahay magaca dhulbahante Ee ay ku abtirsadaan Markaa qabiil waliba wuu jeclaa in ay Daraawiish kala nabadgalaan haddii aanay iyadu kusoo gardarroon. Hayeeshee, waa bixiso ee, ninkii Ducaale Fagaase ahaa inta uu hareerihiisa eegay, oo dad iyo duunyaba ismahadiyay, ayuu Daraawiish daandaansaday. Wax uu u tiriyay gabay uu lee yahay "Ina Cabdulle Xasanow, adiga iyo xertaada gaajo ayaa idin laysay ee bal car geelayaga ku soo dhaca!" Wax uu yidhi:


  1. Sayidkuba ka fiig geelayaga inuu faduushaaye,

  2. Sumadiyo Fagaasaa nafluhu ka ga fogaadaaye,

  3. Waa fiil nin lihi foofsadaan feleg ka yaabayne,

  4. Hadba meesha loo filo dal buu faraq ka laacaaye,

  5. Farowga iyo baruurtiisu way kaa fijicisaaye,

  6. Faallaha iyo dhalankuu yahaa gobi ku feydaaye,

  7. Fiidkiyo aroortuu durduro ganafka fiiqaaye,

  8. Ma facaysto laangaabka iyo tuugga fiirsadaye,

  9. Nimaan fuulin guutada hadhkii faal ka bixi waaye,

  10. Faataxa wadaad iyo burduhu fanax ma beeraane,

  11. Faras xoog leh baa la gu dhaqiyo geesi fool adage,

  12. Fulayada Daraawiishta iyo Maxamed faankiisa,

  13. Hadduu faral jihaad iyo Islaam faro ku doonaayo,

  14. Ararsamaha faaree arlada culus ku soo foofshay,

  15. Muu foos la xulay iyo dagaal foore ka ga yeelo,

  16. Muu goolashaa fuuqa baxay foqorada u loogo,

  17. Fiqiyada ku lumay xarunta muu fiixda ka hiraabsho,

  18. Oo foodhi laasimo sidii ferenji reer loodha?


Ina Cabdulle Xasan kolkii tixdii gaadhay col buu soo lallabay, geelashii reerahaasi ku faanayeenna wuu ka dareersaday. Dabadeed wax uu u tiriyay tix jiifto ah nooca masafada loo yaqaan oo raggii hore tirin jiray imika se la ga tagay. Masafadu waa jiiftada oo laba meeris oo waliba is wataan. Wax uu yidhi:


  1. Ararsamaha faanoow feleg baas ma kuu dhacay,

  2. faaydo maad ka qaaddeen,

  3. Ma fallayd kolkaad tidhi, cara foos u soo dira,

  4. Sow Fagaase na ma odhon, foofshaye car weerara,

  5. Daraawiishna fooraha saw looma filahayn 



Erayfur:

Dal: daaq, ugbaad, dhul daaqsin leh.

Faraq: laamaha curubta ah iyo caleenta geedka ka laallaada.

Farow: Baruurta ama cayilka geela feedhihiisa ka muuqda.

Ganafka fiiqaa: afdhuublaayeyn, waa qaab geelu kolka uu barwaaqaysan yahay u ordo ciyaar ahaan.

Fuullimaad: dagaal loo fardo fuulo.

Ararsame: magac ka dhexeeya dhawr reer oo Axmed Garaad ah.

Faaray: kibray, faarku waa kolka caanaha geelu karuuraan fududka ay yeeshaan.

Foos: ciidan, waa eray ka Soomaaliyoobay Ingiriisida force.

Loogid: xoolo marti loo qalo.

Foore: Dabayl si xooggan u dhacda.

Fiqiyo: culimo, fiqi, faqiih.

Fiix: Subag ka mid ah noocyada heenka geela.

Ka hiraabin: ka dhergin, asalku waa cuntada la cuno habeenkii ama hiraabta.

Ferenji reer Loodh ah: gaalada Ingiriiska ee dabaqadda lords.