Xayn waxaro ah oo agqallada duleedkooda .daaqaya ayaa dawaco soo gashay, markaas bay soo dideen. Orgiweyd ah ayaa maqashii markii ay soo yaaceen soo gaari waayey, kolkaasay dawacadii meclo ka qabatay oo dhaawac yar u geysatay. Ismaaciil baa arkay gabar ariga haysey oo Jamaad la yiraahdo, asagana, ay habro wadaag ahaayeen o o intay asal soo jsfatay orgigii meelihii ay dawacadu ka qabatay ku dhaydhayaysa. Markaas buu doonay gabadha lexejeclada iyo dhaqaalaha xoolaha inuu ku baraarujiyo oo uu tusiyo inuu orgigu markiisii horeba iskaba fiitay dacdarro awgeed. Markaasuu yiri, «Jamaadey, orgigaa kuu gabyeys. «Oo muxuu yiri walaal» ? ayay tiriy. Markaasu yiri :
Jamaadey darbiyo laayac baa diley naftaydiiye
Nin la deyrshey baan ahay markay dahatay Geyaane’
Dawac iguma qooqeen haddaad ti dan leedahaye
Dambarkiina anigaan dhadhamin yaad i dabarteene
Doog weynihii head ri’ xuna iga dab siiseene
Haddaan dayrta habartay dharqado’ ma aanan duufeene
Dirgan' waayey goortay gollidu* didisay qayrkaye
Waxba hay daweynine i dubo waa «dig» leeyahaye