DIIRIYOW ! HARUUBKA IGA QAAD

Geela iyo dadka leh ee Soomaalida ahi waxay weligood ku dhaqan jireen xornimo aan xad lahayn. Cid xukumi jirtey ma jirin. Nin waliba kadinkiisa geela ah

isaga ayaa bogor u ahaa ka hor intaan reer Galbeedku dhulkan soo gelin. Markii Ingiriisku dalka geestiisa waqooyi wada taabay ayuu soo rogey wax «Xaraash» la yiraahdo iyo maalinba qolo geeleeda in col askar ah la geliyo; dabadeedna mareegaha loo furo, Maamulkaas Ingiriisku, isagoo awlcba gef ahaa oo dad aan dembi innba lahayn nin dhagar qabe ah awgiis loo dhaco ayaa rag badan oo askar ah, Soomaalina ahi ka faa’ideysan jireen u dhowaanta ay taliska u dhow yihin, markaas bay hadba makrii ay la ahaat> qoladii ama ninkii ay damcaan col ku saaraan. Ismaaciil markaas buu geeliiba nacay, intii uu haysteyna Dhiimo Cawad ayuu yarad uga_bixiyey. Wuxuu goostay inu: lo’ iyo ari tabcado oo uu geelaba ka shiddo baxo mar haddii uusan isagu u talinayne, goortii la rabo lagala wareegi karo !.


Ayaantii dambe ayuu, isagoo sodcaal ah wuxuuu yimid nin la yiraahdo Diiriye Xiirey. Intii ay iswaraysanaycen ayuu Diiriye halo irmaan oo dul daaqaya intuu haruubgaal ka soo buuxiyey ku iri.


«Adeer caanaha dhan aad sii socotide». Caanaha geela ma dhamo» ayuu yiri. Markaas baa Diiriye weydiiyey, «Adeer maxaad caanaha ku diiddey ?». Halkaas buu gabaygan soo socda ka mariyey, isagoo su'aashaasna ka jawaabaya, tilmaanne ka bixinaya waxa geela iyo raggii lahaa u dambeeyey. Hadalkiisu, sidayuu gabayga ka arki doonno, wuxuu ku soo kooban yahay inaan geel magaalo looga taliyaa ahayn wax la dhaqdo ama xoolo la moodo. «Anigaan hororka ka celin karin inaan caanihiisa ka dhergaa ceeb bay igu tahaye, Diiriyow haruubka iga qaad ninkii :dhaqanayaa ha dhaqdee !». ayuu gabayga ku oran doonaa.Tixda oo dhan markaynu akhrinno ayaynu ka dhergaynaa falsafadda ou Ismaaciil rabey Diiriye iyo dadka la midka ah ee haweda geelu weli ku jirto inuu u bandhigo. Wouxuu yiri :


Hasha oloshey jeel iyo harraad yaa miduun helaye

Ama harag magqaar baa hor yaal hibasho waa dooge

Ama haaddo waxay sheegeysaa huudaan la ageyne

Ama hadowyo laga qaaday bay u hinganaysaaye

Hinaasaha i galay reer tolkay hadiba maayaane

Dabaggaal hidiiriyo arbaa haar ku laacdamaye

Hargaamooyinkii buu ku lumay hagafse qooq moodye

Rag ninkii xarrago hawkiyaba hoos nin bawrida e

Hawraartu waw wada jirtaa hadalku reer Gaale!

Hoog larsa garsado waana taa Heetis’ loo faqaye

Hawadiisa dhigay geel markii loo habsadey Cayne

Horweyn’ moodhar' Hawd iyo Nugaal dabo higgoonaayo

Oo hadal ku siman fookha wiil ka hindisoonaaya

Hantidiisa iyo waa bilaash hibo nin moodaaye !

Caligerisa Hawdkaa degaa haw haloosiyo e

Maree hayla hadowgey jeclayd Halow’ ha daajeen:

Hareeraha intay kaga tubaan ha ugu heeseene

Intay habi la’aan ugu tabcaan ha u hayeen awre

Hangarkii hoglaha Doox ka da’ay ha uw hilaadsheene .

Nirgo hcotanuug hawga dhigo hodan sidiisiiye

Habaryoonis sidii ay yihiin ha u haleesheene

Hablo chalada say wax u hayaan ha u hawoodeen:

Haasaawaha haysaga rideen harada Ciideede

Hawraarsan mooyee haddii muran hagaafeeyey

Qabiilkii hundo ahaa hadduu hiil isgelin waayey

Habeen ka  harka haankaa qotoma halab karuurkeeda

Intaan iaaligguu ridahayuu igu habboonaaye

Dirirteenaa anigaan holayn ka harqo waa ceebe

Heensaha intaan daba sidee Horor’ ku qaadaayey

Aan kii hayaba dhaafin jirey kama harraadnayne

Hadduun baan hawaarsadey sidii habaryartay Dhoole

Wiilyahow haruubka iga qaad yaan huqduu dhimane !


Waxaa ku nogosho iyo ka faallayn mudan afarta tuduc  o o tixda ugu dambeeya, kuwaas oo uu wax yar kaga taabtay taariikhdiisii uu Daraawiish ku lahaa: «Waxar ay lahaanta geelu igu habboonayd markii aan anigoo darwiish ah, geela sidii aan doono u maamuli jirey. rinkii lahaana uga meerin jirey. Hadda oo aan sida habaryartay Dhool meel fariistay, maxaad caanihiisa jiigu keenaysaa maad iga deysid» ayuu warkii ku idleeycy.