Xareed Duubi Deero oo ka mid ah reerkii dilka Jaamac loo tirinaayey ayaa gabay digasho ah oo naxariisdarro ka muugato mariyey. Gabaygaas wuxuu ku qirtay inay iyagu mas’uul ka yihiin ninka geeridiisa, haddana ayan qoomamaynayn; Intaas hadalkii kuma joojine ninkii dhintay ayuuba caayey co «dhoocil» ku sheegay. Wuxuu yiri :
Dhool baa ka da’ay bari ninkii dhawri karayow e
Dhugta yeedhay waa faanac Cali dhinacyadiisiiye
Waa kaa waraabuhu dharqaday toban dharaaroode
Dhoomaha Ia kaalaya halkaa dhoocil jiifsadaye
Dharabkuna ma mayrine lafuhu waa dhibcahayaan:
Faataxo dhammaantiin u mara inaan Naah dhaylin
Xirkqyoon intuu dhaartay buu dhoocil noo dilaye !
Ismaaciil durbadiiba tixdaas waa ka jawaabey. isagoo dhaaranaya oo Xareed u sheegaya inuu col ku soo bixin doono. ‘Tixdan jawaabta ah waxaan, fyana, laga aqoon mid uu Sayidku kaarshe Guuleed Niiqle u mariyey ka dib markii uu Kaarshe gabay digasho ah Daraawiishta u soo mariyey dagaalkii Jidbaale dabadiisif. Waa gabayga ka kaca: (Nimanyahow qammaadaa i diley quduro waa yaabe). Ismaaciil wuxuu yiri :
Ina Duubi Deerow waxaa kaa dawixin mawde
Haddaad tiri anaa Jaamac diley digashanuu raacshey
Aad tiri waraabaha dibbiray daris anaa sityey
Aad tiri dabkii Ismiir shiday Deri ha loo raacdo
Dumbuq sumuca waa kuula iman duubley aan sido e
Dillaamada horeetay maryaha dacalka kaa qoyne