DEKEDAHA BERBERA


Samatar Baxnaan oo isagu berigii hore Caligeriga guubaabin jirey, in badanna ku boorriyey inay aargutaan ayaa markii Xirkayoon dhintay gabay ammaan ah  iyagii uu mariyey. Wuxuu ku sheegayaa taariikhdii ay dhaqdhagaaqii Daraawiisheed ka soo galeen iyo sidii ay dad oo dhan uga scleliyeen, gaalo iyo Soomaaliba. Wuxuu yiri :


Wax libaaxu duurkaa galoo dogon la moodaaba

Goortii la daaruu dhegaha wax u dillaacshaaye

Daraawiishta nimaakii ahaa dooxatada miiran.

Dalal iyo Ogaadeen kuwii Deero ka eryooday

Ee laga durkaye noogu yimid Doh iyo Gaarodi

Dekedaha Berbera waalashii duhur rasaaseeyey

Kuwii daarihii Nuur Cismaan wada dagqiiqeeyey

Dab kaloo bidhaama kuwaan duni ka soo waayey

Awleba waw dareen qabay inay diillin dhigayaane

Dadow magal deginiyo beel dhan bay damug ka siiyeene 


Halkaas ayey ku eg yihiin gabayadii Jaamac Calinuur laga tiriyey ee diradiraha iyo digashada u badnaa. Waxaan u gudbaynaa kuwa kale oo kala jaad ah ee aannu isleennahay waxay ku beeggan yihiin muddada u dhexaysa labaatanaadkii qarnigan socda ilaa bilawgii afartanaadkii.