DANTAYNA MAAHA
Sayidku goor walba wuxuu ku dedaali jirey inuu digtoonaado oo aan ogaal Ja’aan xarunte iyo Daraawiishta dagaal kedis ah loogu soo qaadin. Rag ilaalo ah ayaa loo kala diri jirey dhammaan meelaha weerar cadow laga filaayo; siiba dhanka Ingiriiska iyo tolalkii Soomaatiyeed ee giashaanbuurta Ja ahaa. I[smaaciil Mire ayaa ugu weynaa rĂ©ggii Sayidku hawshaas iyada ah ku qaybin jiray ee ilaalinta dhaqdhaqaaga cadowga u taagnaa, una dibad meeri jirey.
Abbaaraha 1913kii dabaadigiisii Ismaaciil oo rag uu madax u ahaa, horjoogana ahaa Ceeldhaab ku haysta ayaa ogaaday in degmooyinkii Soomaaliyeed ee ey colka ahaayeen qaarkood Badweyn iyo Cayn soo degeen oo Gubna iyo Burco waqooyigeeda-bari ke soo baxeen. Halkaas waxaa uga muuqday isaga iyo saaxiibbadiis inay habboonaan lahayd haddfi co! Daraawiish ah Xarunta oo markaas Taleex taal laga soo ambabixiyo oo degmooyinkaas si kedis ah loo galo. Gabay aannu intan soo socota oo gaaban ka hayno ayuu Xaruntii u sii dhiibay isagoo arrintaasna war ka bixinaya, Sayidka iyo Daraawiishtana ku guubaabinaya inay col si degdeg ah u bixiyaan. Wuxuu yiri:
Aabbow xaqaygii ma deyn igana duugowye
Nimankii ikhwaankii dilaa meel dhow soo degaye
Dabka xalay Badweyn iiga baxay waa ku diirodaye
Dantayna maaha inaan daayo oo daawadii furo e
Raggii can la dibad meeri jirey doorki laga laaye
Kolkii shalay Ammaan’ laga dileey dib isu laabeene
Waa daaiuqsaday Xaashigii ugu da’ weynaaye
Ducaaliyo ma wadin Jaamac Udur inay dambeeyaane
Kulay Habaray dooxdaan Illaah deeqi waa badane
Duullaarka may soo baxshaan dagan kufaarkiiye!
Guubaabadaas iyo erayadaas diirdiirran .ee Ismaaciil Sayidku uma riyaaqin, waana ka xumaaday. Waxay la ahayd inayan habboonayn degmo dhowaan soo degtey oo aan weli isdhigan in lagu soo boodaa inayan waafaqsanayn haefaqsanayn habka dagaalka wanaagsan. Wuruu dhalliilay kornsho la’aantiisa iyo degdegga aan loo baahnayn ee uu jecel yahay in wax Jagu farsameeyo. Gabay jawaab ah ayuu halkaas ka mariyey oo u diray, isagoo gaar ahaan Ismaaciil ula hadlaya, guud ahaanna tilmaan ka bixinaya siyaasaddiisa dagaallada ku saabsan ee xirribta iyo askaxrinnimads ku dheehan tahay. Wuxuu ka bilaabanayaa :
Ismaaciil Mirow taladu waa aydin kaa maqane
Maandhow ummuurtaadu waa abcba’deeditye
Maandhow adduun wuxuu ahaan waadan idadayne!
Dabadeed, siduu Sayidku jeclaa iyo. tabtif la hagaag sanayd ayay arrintii ku ibo beeshay, degmcoyinkfina col‘aguma saarin, wixii Jagu fali lahaana dib baa loo dhigtay iaa ay habboonaatay.