DANI IGAMA HAYSO

Dagaalkii labaad ee adduunku kolkuu socday (1939-45) ayuu Ismaaciil gabaygan soo socda curiyey. Wuxuu tilmaamay sida uu u soconayo, khasaaraha dadkii soo gaaray, wixii maraakiib degey iyo dhibaatooyinka markaa dalka Soomaaliya gaar ahaan ula soo gudboonaadey.


Nimanka taariikhda qoraa wax kasta dagaalkaas sabab ha uga dhigeene Ismaaciil wuxuu waxaas dhacayey u saariyey dembiga diinta Haah laga galay, xishood la’aanta iyo laaluush cunka xagga duqowda. Ismaaciil, iyadoo errimahaasi socdeen. ayaa loogu soo warramay inaan sonkor la arki doonin inta dagaalku socdo. Taasna waxaa uu uga jawaabay sidaannu gabayga ka arki doonno inuusan dan iyo daarad xa lahayn mar hadduu caano lo’aad haysto. Wuxuu  yiri :


Digta dhici dayuuradaha lali diifaddiyo qiiga

Dildillaanka dalambaabigiyo dunida ciiraysa

Dukaamada af xiran uumiyaha kala dabayl raacay

Minawaarrada wada degiyo meydka dibadeystey

Isku duulka duunyada la dhacay dalaa meeraaya

Dani igama hayso oo Darwiish daacadaan ahaye

Cuquubyoyin baa dirirayee la isma daareene

Waatii garaamiga derderan dumarki raaceene

Waatii gabdhihii door ahaa dabo ormeeyeene

Waatii la darandoorriyee damacba beelene

Waatay Bashiirkii? dangaday diiqa geliyeene

Bashku wuxuu dalleysanahayee daanka dhiganuuyey

Dembaa uga siyaadiyo inay derejo waayaane

Dulligiyo laaluush cunkii dabajin weyn reebye

Dab hadduu ka soo karay wixii laysku dawdabaye

Qaxwihii la ii diirin jirey daayey hadalkiise

Caanaha Daruur baan intaan dhamo dawoobaaye

Mana doono soor kale haddaan doobi xaabsado e

Daayimow adaan kuu xamdiyey way dan qumisaaye.