DALKII QAATAY


Sheekooyinka dhaxalgalka ah ee Imaaciil Mire reebay, kuna saabsan dal jacaylkiisii iyo gaalo nacaybkii lagu yiqiin waxaa ka mid ah middan:


Markii dagaalkii «Ruuga» dhacay, Koofilna lagu diley ayaa dawladdii Ingiriiska wareer lamafilaan ahi la soo gud boonaadey. Daraawiishtu iyadoo ka cabsanaysa colaad dhan:

kaas uga timaadda ayay rag badan iyo hub tirsi leh ku xoofiyeen meelihii qalcadaha ahaa ee ay degi jireen. Ismaaciil Mire ciidan uu ku jiro oo xulanshi ah ayaa Shimbabiris loo

diray oo Taleex laga ambabixiyey. Muddo door ah ayuu qalcadda wax ka ilaalinayey, wareegna waaba u dheeraa.


Maalintii dambe isagoo halkaas jooga ayaa niman socoto ahi uga yimaadeen. Halkii uu reerkiisu ka oodnaa ayay saantoodu ka soo jeedday, waxayna farriin uga wadeen afadii? u dhaxdey. Markay iswaraysteen ayay waxay warkii ugu dareen, «Afadaadii way caraysnayd, oo waxna

ma cunto, mana seexato, har iyo hoyaadna way kala tageen. Waxay goor iyo ayaan ku haysaa: Ismaaciil aaway Xaggee buu jiraa iyo meelmaa lagu sheegay ?» Marka sidaas laysku waraysanayo wuxuu reerka ka soo maqnaa sida uu gabayga ku sheegi doonosaddex dayrood, ha yeeshee raggii maalintaas joogey nagu yiraahdeen, «Intaas kaba badnayd». Dumarkuna waxaa run ah inayan adkaysi badan u yeelan karin saygooda oo saddex dayrood daaye saddex habeen ka dhaxa.


Hadalkaas afadiisa looga soo sheegay Ismaaciil wuu garaystay, gabay buuna ka soo qaaday. Wuxuu ogaadey nin Nuur la oran jirey oo Darwiish ahi inuu Taleex u amba baxayo, markaasuu soo qaaday maro Dallahelay lagu magacaabi jirey oo waagaas maryaha la qaato iyada iyo khaylidu ugu qgiime roonaayeea. Maradii ayuu afadii u dhiibay, Nuurnha wuxuu gaybsiiyey gabaygan oo ah: .


  • Nuurow adaa lagu diroo qaban dalkeenniiye

  • Adigaa darmaantii qabsaday igama duulow e

  • Markuu waagu daalaco adaa dawga sii mariye

  • Ikhwaanow Dariigay jirtaa Dahabadaydiiye

  • Dan fa’aan haddii ay u dhigi Damal karuur keeda

  • Oo ay dabaylaha ka geli daharkii weynaaday

  • Saddex dayro dayrood ma arag aniyo Doolaabe

  • Dacelkaan ka soo jirey indhaha daale gabadhiiye

  • Hadday dhogor dulbaaxley qalbigu dalankacaayaaye

  • Duunkaygu jeeruu u fago dulugle weeyaane !

  • Cudur duumo say tahay anfaco wayan deyihayne!

  • ' Danabkiyo raggaygii lumay bay duudsi leedahaye!

  • Waxaun diiday anigoo yar bay damacday shaalty !

  • Datkii qnatay iyo kaymahaan Doofitkii OF dhigaye

  • Durgufkii ka haray gaaladaan dooy ka ridayaaye

  • Dooyad2 Ilaalada waddiyo dooxataan ahaye

  • Dayac tira dhaha reerkii intaan dibadda meeraayo

  • Dallahelaydana u gee qalbigu hawgu diirsado el


Maxey tahay daacadnima taas aynu magalnay ka weynu? Waa maxay daljeclida ka weyni midda ku illowsiisa dantaada gaarka ah iyo midda gurigaaga ?Ma daacadnimo iyo Darwiishnimaa u dhimman ninka yiri:


  • Dooc igama oga naagahaa diibka shidayaaye

  • Nin astaadku soo diray oo deyrran baan ahaye |


Wuxuu gayb ka qaatay dilkii Koofil, haddana wuxuu ku camal jiraa inuu gaalada sii cirib tiro oo uu israaciyo. dal kena dhammaantood ka sifeeyo.


  • Dalkii qaatay iyo kaymahaan doofilkii dhigaye

  • Durgufkti ka haray gaaladaan doy ka ridayaaye |


Aan wu laabto oo dib idiin xusuusiyo tuduc tixda ku jirey oo macne weyn Ieh.


  • Waxtan diiday anigoo yar bay damacday shaaleey


Wuxuu Iceyahay: «AfadayduAlle ha cafiyeewaxay iga rabtaa inaan maanta oggolaado wixii aan diidey anigoo inta ka dhallin yar. Waxay rabtaa inaan guryaha ag joogo oo aan dagaalada heerka cusub galay ka haro». Waxa “uu tuducaasi inoo sheegayaa inuu Ismaaciil isagoo yar dagaal ka cadowga ka sartaysiiyey wax kasta oo dan gaar ah loo tMalayn karo; kuna uu faani mahayee waa run taariikhda waafagsan, sidaannu ku soo sheegnay qaybtii labaad ee juskan,