Ismaaciil, sidaannu :reel hore ku soo sheegnay, meelo badanna aynu ku arki doonno, wuxuu ahaa gabyaa aad ugu dheg daloola waxyaalaha goonyihiisa ka soconaya iyo hadba wikxii xiiso leh ee markaas indhaha lagu hayo. Badanaa magaalooyinka ma tegi jirin, waxsuu ahaa nin dadka ka yimaada waraysta, loona warramo.
Waxyaalo badan oo isbeddalay ayuu indhaha saaray; meeshii Fardaha laga dhaqaalayn jirey oo dameerrihii laga dhaqaalaynayo, gabdhihii dhawrsanaan jirey oo inta miyigii ka tegey magaalooyinkii u fakanaya, dabadeedna faraha La wada fiiqayo iyo dumarkii la qabey qaarkood oo raggoodii ka cararay. dabadeedna nin kale mehersadey, kii horena ku pacan sayray. Waxyaalaha caynkaas ah ayuu la yaabay, markaas buu gabay ka soo qaaday oo yiri :
Dadka wada dhashay een lahayn diirnax iyo xeebad
Labada uurka soo wada dabtaye daacad kala weydey
Daayimcw maxaa xigi adduun dabadi weeyaanel
Daarha kireysane gabdhaha lagu dembowsiiyo
Oo biilks laga doonayaa waa darxumo weyne
Daayyimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane
Darmaanaha waraabaha «dig» liyo loo dayacay haadka
Dameercha la bari siinayiyo diiftan Xamar qaa yib?
Madhibaanka doobinahayiyo gobaha daadduumay
Daayimow maxaa xigi adduun dabdi weeyaane
Naagahan dafiray kii qabee diiday gurigooda
Oo wada dareeraye nin kale doontay lacagtiisa
Daayimcw maxaa xigi adduun dabadi weeyaane.
Qarshigaan dirsaday saaka ee dooc i tari waayey
Ee duub. neef ariya iyo daasad bixi waayey
Daayimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane.
Hadday aanadu khayr leedahay oo la isu deynaayo
Dadkii Xaawo laga uumay iyo duuddi Nebi Aadan
Derejada kuwii loo dhalaan laga dareersheene
Seben aakhir inuu daahir yahay suurna dabo joogy
Dogon wo ninkii nacasa iyo daaldhahaan garane
Cadaabaha dabkoodiyo Allow naar ha nagu daadin ,