DAAYIMOW MAHADDAA

Mer kale oo ismaactil loogu diray Kormeer Xaruntii Daraawiisheed ee Webi Shabeelle, Khaliif Sheekh Cabdillena u talinaayey ayuu geeraar ku taariikheeyey dagaallo Beledweyne ka dhacay. Siyaasadda Sayidku waxay ahayd sidaannu meel hore ku soo xusnayin meelaha dagaalka u wanaagsan ay Daraawiishtu gacanta ku dhigto oo ay qalcado iyo dhufaysyo adadag ka dhisato si aan looga qabsan. Beleldweyne ayay daar «Saldhig» la oran jirey ka dhisteen, kolkaasaa Talyaanigu madfac ula yimid oo ku garaacay, isagoo ay la socdaan askartii Cali Yuusuf. Saldhig Talyaanigu waxba waa ka tari waayeen, ka dib kolkii uu shan iyoafartan madfac ku chuftay; Isla markiiba Daraawiishi waxay bilaabeen daar kale oo ay «Aamin» u bixiyeen, haddana raadkeedii weli yaal. Iyagoon daartii dhammayn ayaa afarta geesood colal looga soo afuufay. Col Talyadni ah oo saddex madax u gaybsanaa, col Cali Yuusuf ka socda, Col Olol Diinle wato iyo col kale oo Cali Yuusuf raacsan, uuna hor socodey nin «Godagodo'» la oran jirey.


Ismaaciil oo Beledweyne jooga oo inuu xaruntii ku laabto u faarumaysimaya ayaa colalkaasi Aamin iyo Saldhig afka soo saareen. Dagaal ba’an ayaa laysugu dhigtay. Hadba col ayaa Daraawiish ku soo qamaama, markaasaa la caabbiyaa. Mid kale ayaa soo baxa, kolkaasaa la caabbiyaa. Toddoba beri kolkii dagaalladasi ka-fool-ka-fool u socdeen oo Daraawiish Beledweyne laga saari waayey ayaa col waliba isagoo khasaare weyn qaba dib isaga laabtay. Intaas oo col ah oo midba maalin u soo baxaayey ayay inta dib isaga caabbiyeen bay haddana dab faro badan iyo geel aan tirsi lahayn (600 oo halaad)? ka reebteen !


Ma sixir baa? Mase waa dagaal aqoon? Sixir maahee waa dagaal aqoon iyo waaya aragnimo uga timid weerarradii iyo gulufyadii u horreeyey ce ay Ingiriis isla soo mareen.


Ismaaciil toddobadaas maalmood si wacan ayuu sidii saaxlibbadiis goobahaas uga dagaal galay. Markii ay colalkii dib u noqdeen oo Daraawiish Beledweyne loogu geli waayey ayuu iska caymaday. Wuxuu sii maray xaruntiiKhaliif madaxda ka ahaa oo dagaalladaas Beledweyne warkooda u dheg taageysey. Markii Ismaaciil la arkay ayaa la oogsaday, waxaana laga codsaday inuu degdeg u warramo. Isagaan raadraadin oo faraskiisii ku jooga ayuu geeraarkan ku warramay; wuxuuna yiri :


War ninkii iga dooniyow

Anoo Doollo u jeeda

Gooruu waagu dillaacay

Daraawiish ballamayna oo

Deleb heensaha saaray

Adduun saad ka damcaysiyo

Dan dambaysi ma yeeshoo

Waa dawaaro sideede

Digta weerar na taabyey.

Maajoor dooro qurmooniyo

Doofaartii Raxanweyn iyo

Majeerteen dunijigiis iyo

Daacufle» Askareed iyo

Ina Diinte dhashiisaa

Dulmi noogu heshiiyey oo

Duulba maalin na beegay

Beryey Deex hoganeysey

Dudduntii u rognaayoo

Candhaci: dubayowdey

Daagsin ayan u foofin

Rasaastii dam lahayd

Dagaal, baan kula roorray

Bagihii ay dillameen

Dabkii wannu ka reebnay

Derbi baan ku masaynay oo

Daarahaan ku rasaynaye

Daayimow mahaddaa !