DAAR BAAN DHISAAYAA


Ismaaciil murtida iyo odaynimada ka sokow wuxuu ahaa kaftanlow bulshey ah; taasna waxaa laga garan karaa guud ahaan gabayadiisa, gaar ahaanna tixdan soo socota ee uu mariyey ka dib kolkii qalcadaha Taleex la dhisay sannadkii 19131kii. Meelo badan ayay Daraawiishi qalcado ka dhisteen iyagoo dano askareed ka lahaa, doonayeyna inay meelaha dagaallaanka ku wanaagsan rugeystaan oo aan cadowgoodu uga hor marin. Sidaas daraaddced ‘ayaa Sayidka. Daraawiish badan co Ismaaciil ku jiro amar ku siiyey inay Gallaaddi qalcad xoog badan ka bilaabaan. Xoolo geel uw badan oo ay ragga daarta dhisayaa hawsha ku qabtaan ayaa halkaas la geeyey. Nin walba waxaa ku soo aadey hal irmaan oo uu maalo. Dhawr nin ayaa ilaalinta iyo soofinta geclaas u qaybsanaa inta ay ragga kale ku shuglan yihiin dhismaha daarta. Ismaaciil maalintii dambe ayuu dareemay in hashiisa duurka lagu xigto oo ayan isku san bannaanayn! Arrintii halkii ugama harine waa ka gabyey; isagoon magacaabin ragga uu maalista hasha ku malaynaayo, wuxuuna kooxdii ku bajiyey inuu ka tegi doono oo uu Sayid Maxamed iyo Xaruntii beegsan doono. Wuxuu yiri:


Daar baan dhisaayaa Calow dhamaca jiilaale

Waxaan dhagaxa saaraba haddii laga dharroocaayo

Haddaan dhiilka oo maran u imid dhiidhi baan ahaye

Anigiyo waxaa Dhebi' ku nool niriggii dhuubnaay

Dharaartiina waa iga xigtaan dhewr nimaan garane !

Dhabbada maan u maro aabbahay lay dhormamin waaye

Isagay cdhaqaalaysan jirey oo dhab ii jecele

Dhallinyariyo waayeel haddii laygu wada dhaartay

Dhawrare’ intaan soo gabsado dhabaska maansaaro !