CALIYOW DARYARE NOOGU YIMID
Maansadii Calidhuux curiyey ee geyiga Soomaaliyeed gees walba u qaadday, kana bilaaban jirey: (Doqonkii Ogaadeen ahaa Doollo laga qaadye); rag badan oo gabyi jirey ayaa ka jawaabay, isagoo nin waliba u abbaaray sidii ay lanogotay. Qamaan baa kolkii hore ka gabyey, isagoo Cali-dhuux ku cambaaraynaya diradiraha uu soo jeediyey iyo diirmaxa aan daacadda ka ahayn. Waxa kaloo ka gabyey Maxamed Fiin, Ina Cumar Dage, Xaaji Nuur Ciise iyo rakale oo tirsi leh. ”
Ismaaciil Mire durbadiiba markii ay maansada Calidhuux Nugaal ku soo gaadhay jawaab buu bixiyey. Qabowayuu tixda markii hore ku bilaabay, ha yeeshee mar dambe ayuu haddana isrogey oo tubtii Calidhuux maray. Wuxuu yiri :
Caliyow Daryare' noogu yimid dacawigaagiiye
In kastoo dalkii kala fog yahay hadalku soo duulye
Sodcaalkiyo dabalayha bajfliyo dawrahaa sidaye
Kumana diirsan maansahu hadday dunida aafeyne
Dan waa buusan hurahayn ninkii dibadda joogaaye
inta daamankiisu is hayaan anafo deyn waaye
Deeg iyo markuu nabad heluu daawo furayaaye
Dambaaburada aad ololisiyo Djrir faduushiisa
Allaylehe dembaab lama hadlee kulama dooneynin
Weligiisba dirir kuma xerayn Deleb Ogaadeene
Dirkoodii horaa lagu yigiin inay dan qaataane
Dadkaa nabad ahaa waayaduu daaddahayn jiraye
Markii Dabafurkii' laysku ridey lagu darbaysiiye
Daahyaate’ geelii la helay dalawidii meertay
lyadoo dildilihii bishiyo dacashii haaneed leh
Qo awr doobinahayaa Deleb ku meeraayo
Naagaha ilmada duugayee diilalyadu hayso
Dayadayda iyo qaalmihii soo durdurintooda
Yay doonka naga laynin iyo dumarka ooyaaya
Dar ku rogidda kaalmaha markii laga durduuraayo
Sidii duul goboo shiray markay wada dekaynayso
Dig markay tiraahdo oy fushaa daya tiraahdaane
Dab rasaasa idinkoo sitaa dacas la jiijtaane
Labo dibi midkii baqahayaa ways daldhiciyaaye
Dinnaahcoyinkaa laga gartaa deyrka kii jebine
Intuu dabada meermeeriyuu dacal u boodaaye
Dagaag magan bariiyaannu nahay daa’imaa tiriye
Duufkuuba qalayaa ninkay dani u geysaaye
Xaqiinnu haddaad dabo gashaan kuma dambawaaene
Afartaa da’dii lagu ballamay deel ma ka higgaadshey
Dubbahaan la dhacay sow finiin kagama duulduulin
Dulkaa jooji kuma daalayee dhibic haddaan daadshey .
Dood kalena waa oranayaa balaan daliileeyo
Duunkaaga kuma suubbanayn diradirayntaase
Dal dhan buu gubaa qaraf yar co duur la geliyaaye
Dooxooyin idil bay xushaa digo hulaaqdaaye
Cawlkii la dabay ee mindida dabaxda loo waayey
Ee goday middii lagu deg dhabey kuugu duurxule e
Alleylehese kit kugu danniyey waaba kuu digaye!
In Qamaan ka doodaan og nahay diirnixii gabaye
Dogontaas intaad diri lahayd adigu maad duushid
Oo didisid geelaa fadhiya Doollo dhinaciisa
Oo dumar la moodkii lahaa daacad ugu dhiibtid