CALI -DHUUX IYO ISMAACHIL
Cali dhuux Aadan oo gabayaa weyn ahaa wuxuu ka mid ahaa raggii markil hore Daraawiish noqday. asti muddo yar ka dib ka baxsaday. Intaesi kuma ay fillaane wuxuu goor iyo. ayaan ku dedaali jirey inuu xarunta baabi’iyo oo uu dadka ku diro. Jsmaaciil Mire wuxuu ka mid ahaa rag- sii uu wax badan Calidhuux jeclaystay inuu Sayidka ka baxsado oo xarunta ku ballan furo. Gabayo fara badan oo wada cambaarayn ah ayuu tirin jirey si uu Savyidka kalsoonida Daraawiishta uga qaado. Taas waayadii hore kuma uu guuleysan, hase ahaatee goor dambe ayay koox yari xarunta ka veaceen, waxayna ahaayeen kuwii uu Calidhuux ka-teridda Sayidka ku guubaabin jirey qaar ka mid ah. Calidhuux oo inuu guuleystay ismoodaaya ayaa rag ugu sheekeeyey in Ismaaciil sixran yahay oo la duufsaday.
Taas markii loo sheegayna wuxuu ka yiri saddexdan tuduc gabay Jaga hayo, asii aan ku male weynahay inuv inta ke badnaa oo uu lumay:
Ima duufsan Sheekh Maxamedkii duubka i xiraye
Anigaaba diintiyo sharciga laygu daabecaye
Adna Reer Subeer daba gashaye duxi ha kaa raacdo!
Erayadani jawaab waneagsan ayay u yihiin diradirihti Calidhuux uu hed iyo goor wadi jirey. Wuxuu Tsmaaciil leeyahav. «Sheekh Maxamed Cabdifle Kasan aniga ima duuf- san, jidka toosanna inuu igu duwo ma ahee igame weecin.
Diinta iyo sharciga Tlaahay avaan ku taagnahay, adiguse, reer Subeyr waadig2 Daraawiish ka doortay oo daba galaye. bal waa waxaad ka heshaa !».