CALI DHUUX

Cali Dhuux Aaden Goroyo wuxuu ahaa Geesi Gabyaa ah oo Geel Qaad Badan markan wuxuu sharaxayaa Cida oogu nugul ama oogu Jilicsan Ee Qofkasta oo Barqo weeraraa uu si fudud Xeryaha ugu madoobayn karo kana heli doono geel Qurux badan oo aan dhib badan laga marin 

Cidaasi waa Cida uu xididka la ahaa ayna ka dhalatay afadiisii Mihiya Cali oo Ahayd iyada lafteedu gabadh gabyaa ah oo marmarka qaar intey u dulqaadan waydo waxyaabaha ashqaraarkaleh Ee odaygeedu ku samaynayo Ehelkeed afka furan jirtay oo Gabyi jirtay ama buraanburi jirtay  


Cidkale maahee waa Ogaadeen oo uu marar badan inta uu Geel iyo Lo kasoo dhacay hadana oogu daray gabayo jeesjees ah ama digasho ah oo qofkastoo maqlaa uu dhidid waa wayn kasoo boodo 


Hadaba markan Cali dhuux wuxuu arkay Rag aynigiisa ah oo Amaanduule yaal oo beesha uu kasoo jeeday ahaa oo aan Geelal badani u xaraysnayn halka isaga xeradiisana uu Ceegaago horwayn iyo dhalay is huwan oo Ciidaa ka Badan oo aan dhaqan iyo tabac kusoo geline uu si fudud Ooga qaaday Reerahan uu tibaaxayo Ee. xididkii ah


  1. Ninkii Dhawr halaad doonayaa muu dhabada Raaco

  2. Ama aniga dhuubka igu Xidho dhiil ha buuxsada'e


  1. Camdho dhexe nin liitiyo fulaa aan dhacsan aqoone

  2. Kuwii aan kasoo dhuri jiraan dhado ka guurayne 


  1. Waqood Dhoobirkiyo ha u sideen dhamac Rasaaseede

  2. Dhuuxowda goortay maqlaan ama dhawaaqayga


  1. Ka dhaqaaqe dhoor iyo idiin wiilashi dhaqaye 

  2. Doqon dhababe'ceeyaan ka heli dhebi sideediiye

  3. Dhibna ilamaha laha geel intuu dhiqi ogaadeene 


  1. Waligoodba dhaafin jiray Dhaadan oo dihine 

  2. Iyagoo i wada dhawrayaan soo dhexmariyaaye

  3. Nin qudhoo dhufays iigalana dhaayo may qabane


  1. Allaa wada dhufaanaye anigu dhaamka maan tumine

  2. Dhixir baan u xidhay gabi ahaan dhami ogaadeene

  3. Dhadig beyna ii wada yihiin aan ka dhaansado'e