Cali dhuux aaden Goroyo
Wuxuu Gabaygan Tiriyey Sanadihii 1920-30 Xiligaas oo Ahaa mid Guud Ahaanba Somaalida isbadalo waa wayn usiday waa Xiligii Waxyar kohor Uu jabay duulkii Awooda waynaa Ee Daraawiish iyo Qabiilkii lafdhabarta u ahaa Ee dhulbahante
Inyar kadibna Gayiga oo idil ay kuwada fideen oo Ay qabsadeen Gamayste yaashii Ay kahor joogeen Waa Xiligii ay Soohdimadda iyo Seeraha ukala Samaysteen Xoogagii Reer Yurub iyo Amxaaradii Uu mililik utalinayey Gayiga Soomaalida
Taasi markay dhacdayna hubkii iyo Saanadii ayaa laga haqabtiray Reerihii Taageeray Ee la Saftay Gumayteyaashii Gayiga Boobka iyo Xaqdaradda oogu Soo Duulay kii kahor yimid ama Reerkoodu diidanaana madaxa ayaa lug laga Saaray
Waa Xiligii Awoodda iyo isku dheelitirnaantii Qabiiladu ay meesha ka baxday oo kuwii loo talin jiray Gumaystuhu Taladii uu Gacanta u Galiyey kuwii Talin jirey Ee Faraska iyo leebka ku Ciil bixi jirayna Salka dhulka loogu dhuftay
Ragii Uu Xiligaasi sida wayn usaameeyey ayuu Cali dhuux kamid ahaa inkastoo Shikhsi ahaan isagu uu Daraawiish Col la ahaa hadana wuxuu Gocanayaa kumanaan ilama adeeradii ah oo ku Hoobtay dirirtii dheerayd Ee u dhaxaysey Xoogagii Ingiriiska iyo Beeshiisa oo laf dhabar U ahayd Colkii Daraawiishta Ee Sayidku Gadh wadeenka ka ahaa Ismaaciil mirrena Taliyaha u ahaa
Cali dhuux Aaden wuu qab jabay markii Saraakiishii ingiriisku ay beeshiisa dad wixii ay Cadaawad hore la haayeen ay u xalaaleeyeen kuna Bogaadiyeen in Hantida Beeshiisu ay dadka ka dhaxayso Qofkii Doonaana uu dhici karo iyadoo danbi looga dhigayo Diidmadii hore iyo dirirtii dheerayd Ee Ay ku Diidanaayeen Gumagsiga
Wuu saboolay markii kadimadii Uu dhici lahaa nin waliba uu Ku ilaashaday hub iyo Saanad laga helay gumaystaha
Wuu murugooday markii ugu danbayn ay afadiisii ugu garaabi waydey waxa ku dhacay Ee Ay ku Canaanatay Xeryaha madhan iyo waqtiga Cidhiidhiga ku noqday Qoyskooda in uu isagu usabab yahay isna kama Garaabine wuu ka Garadeeyey wuxuu ka duraantay gurraha ineey ka dayso isaguna uu san wax Danbi ah ku lahayn waxa dhacay hayeeshee waxay kala hortimid dhago awdan iyo laab dahaadhan markaas buu ka badin waayey inuu Gabay wax ku Fahansiiyo wuxuuna Tiriyey Gabaygan oo uu Mahiya Cali oo xaaskiisa ah kula Hadlay
Qudhumis iyo qaroorwayne iyo ilaha qaansoole
Qawdhaha kabaxay tuurwareen qararo baasheeda
Qaaraha madheedhkii lahaa quruxda reen wayne
Qota dhagaxley qooriga hayiyo tuban qalaalkeeda
Qotomkii yamaska iyo kobtaan qadow ku beeraynay
Nimankii qusuusiga a haa qoran madaajane
Qandaawihii kuma lisaan qamaca jiilaale
Qarog Buuxa Aagaan qafilan qabaxsan maayane
Qiyaas caanaheda oo dhanan kuma quracdaane
Qoldugsoon intay jiifsadaan qabay ma fuudaane
Qaryad gabadha qaalida haween Lama qadeeyaane
Jilbad qabaxle qool cadan kayimi qaydar la xideeyey
intay intay qalab magaalo uxidhaan kulama qooqaane
Qarashyaalihii Lama dhacaan qarada fiicnaye
Qosolka iyo haasaawihii ku qarxin maayaane
Dhalinyaro qabiiliya fardaha kuma qadhaabtaane
Sange qaararwayn iyo darmaan qooqin mahayaane
Ashkir qaayib xamar qooqan iyo qadab ma fuulaane
Baroor qadanle ood midabka Aad qad iyo laas moodo
Qolqol Uma Dhisaan Geed intay qum ugu waabaane
Qol kujire qasaaraha Rogaal uma qalqaalaane
Intay qoorta kaga weeciyaan kuma qoteeyaane
Hadba qolo intay weeraraan kagama qaylshaane
Waa lagu quwayn jiray bahday qaadka boolida.e
Qaankiisa oo Tuman hadii la qolyo waa Geele
Qaynuun Amaanduule iyo qarad masoocdaane
Naag yahay aduun iga qariban quusna waa. Ahaye
Qabbaa madaxa kaa buuxa oo waad qadhaadhahaye
waxaan la qarwayaa laylka dhaxe qoomamiyo ciile
Ragii aniga ila qayr ahaa qoladii reer Jaamac
Qormadaad ogayd baan lashiray Amase qoorwaa te
Qabiilkii ku gursaday lamadhi qoomkii reer gorade
Maantana qudhayda iyo cabdo qaawan baa hadhaye
Qalbi hadii aad ledahay asaad qadan taladayda
Qaydada ilaahay katimid Qaadir amarkiisa
Qawlkii rasuulka iyo sharciga hays Qilaafina.e
Qaatumadu yay Kaaxumaan qirada diimeede
Qaybkaagii soo laasataye qaaf ku dhigo looxa