Maansadan waxa uu Abwaanku u tiriyey Sadex reer oo Naaleeye Axmed Dhulbahante ah saddexda reerna waa 


 BAH CABDALE

 BAH INA CARAALE

 BAH RIIG HAYE 


  1.  Aan balweeyo maansada

  2.  Buugeeda aan furo

  3.  Ba'da gabayga aan tirsho

  4.  Maanso booli weeyee

  5.  Bililkeeda aan tumo

 

  1.  Dadka qayba waa badh'e

  2.  Sanaag aan bayaanshoo

  3.  Buunka aan ku yeedhiyo

  4.  Isla weyni baaxad leh

  5.  Iyo kibirka bardoodana

  6.  Bahcabdalaa u nooloo

  7.  Dadka baacisee baro

 

  1.  Baar sare haday tahay

  2.  Laandheere baaxad leh

  3.  Boqolaal kun oo mayl

  4.  Ninka beer u jiifee

  5.  Baaxadiisu weyn tahay

  6.  Waa bihi ina caraalee

  7.  Barta oo buraanbura

 

  1.  Baydka maansadee kale

  2.  Baar sare intaan koro

  3.  Doobta aan bugleeyo

  4.  Dadkan soo bug yidhiyee

  5.  Buuxiyey fagaaraha

  6.  Bariidada gudoomoo

  7.  Fahma Maasanadan bilan

 

  1.  bogcadaha dagaalada

  2.  Furimaha la is baaciyo

  3.  Bundukh la isla jiidhiyo

  4.  Waran beerka gooyoo

  5.  Kala badha kor iyo hoos

  6.  Ama baroor la saanyado

  7.  Cadow loogu babac dhigo

  8.  Bariighayaa ku caanoo

  9.  Laga wada baqaayoo

  10.  Boqoroow ilaahay

  11.  Magan laga baryaayoo

  12.  Waji adag bir weeyee

  13.  Barakee allaahoow


ABWAAN AYAANLE MAXAMED ISMAACIIL ( AYAANLE DARWIISH )