Maansadan waxa tiriyey Abwaan Ayaanle Maxamed Ismaaciil ( Ayaanle Darwiish )

Waxa uu u tiyey abwaanku maansadan hablaha reer Sanaag ee beesha NAALEEYE AXMED (Dhulbahante) 


  1.  Hablihii sanaagee

  2.  ilaahay sameeyee

  3.  Saldanaddii naaleeye

  4.  Sinjigoodu galayoo

  5.  Siciid harti weeyoo

  6.  Dheeman iyo silfar iyo

  7.  Ka qaalisan sancooyinka

 

  1.  Quruxdoodu siday tahay

  2.  Haddii aan sifeeyana

  3.  Sanqaroorka soo rogan

  4.  Indhahoodan sixirkiyo

  5.  Masciideed sidiisii

  6.  Ama deero silic arag

  7.  Soo jeedka shabahdoo

  8.  Daauus siday yihiin

  9.  Garbahoodan simaniyo

  10.  Dhabarkoodan sigib tiran

  11.  Laafyahoodan socodkiyo

  12.  Aktar sagaashan soo dilay

  13.  Ku mataashid siday yihiin

  14.  Baarqab qooq la saahiday

  15.  Oon seeto lagu xidhin

  16.  Ama sange geesi daaqsaday

  17.  Lugba saani qaadoo

  18.  Qosol aad la suuxdoo

  19.  Soomaaliyeey arka

  20.  Tilmaan aad ku soocdoo

  21.  Suugaan loo tixeeyoo

  22.  Sacab loogu dara'oo

  23.  Saafiyeey nasoo eeg

  24.  Saban laga baryaayoo

  25.  Xishood uu ku saaqoo

  26.  Doqon amaan la siiyeyna

  27.  Aan is dhufan sideedii

  28.  Aayar kuu salaantoo

  29.  Sadriga iyo laabta iyo

  30.  Ka jeclaatid sakaarka

 

  1.  Saydh kale hadaan dayo

  2.  Codka xabeebtu sudhan tahay

  3.  Ciridkooda sugulka ah

  4.  ilkahoodan siman iyo

  5.  Wajigoodan soo qoran

  6.  Afku dahab si qaaliya

  7.  Saaxiib aamus looga dhigay

  8.  Surka garaaryo lagu maray

  9.  Dhexdoodu ay far iyo suul

  10.  Qaabkeedu Suuf duna 

  11.  Sumadiisa leedahay

  12.  Kub aan boodhku saarnayn

  13.  Hilib saafi ahi galay

  14.  Qacmahooda saxarka la'a

  15.  Saacadaha la sudhana

  16.  Saaxiiboow u baahan

  17.  Sadex qaydkii xidhatoo

  18.  Xarago socod karayn oo

  19.  Hurdo caruusku seexdiyo

  20.  Mid boqor la siiyey oo

  21.  U seexdaan sidoodii

 

  1.  Soor haday cunaayaan

  2.  Afku saqafle Shaydaan 

  3.  Sida uu u boobo'ee

  4.  U bahal sariigtana

  5.  Sabnimada aan lagu xaman

  6.  Sahal Gabdho aan ahaynoo

  7.  Cidna inay sinaan iyo

  8.  Kula doodo saamiga

  9.  Kama helaan sasabashada


Abwaan Ayaanle Maxamed Ismaaciil ( Ayaanle Darwiish)