BARXADDH ASTAADKI JIREY


Shimbabiris waxa Daraawiishta uga dhisnaa qelcad xoog leh oo si fiicanna u hubaysnayd; had iyo goorna ciidan faro badani joogi jirey. Ismaaciil oo ciidan mar la geeyey

madax u ahaa ayaa lagu beddeley Darwiish kale oo Warsemebaargab la oran jirey, isagiina Taleex looga tay si awl kale loogu diro


Ismaaciil habeenkii uu subaxiisa ambabixi lahaa ayuu raggiisii la ballamay, gabayna kula ballamay oo yiri:


Bal i magal Warsame-baarqabow waa ballamayaaye

Barax baa sibraar iigu jira caanihii Boga é

Anigiyo barkeen kaleba waa bixitimaynaaye

Bidha waaga waxaan fuulayaa badow darmaantiiye

Berritana boqoolaannu nahay boorki hilinkiiye

Barxaddii Astaadkii' jiraan beeg isleeyahaye

Aniguba ninkii toban bilood baadey baan ahaye

Bishaarooyin baa iiga yimid beydkii Xaruntiiye

Qalbigii basaasnaa hadduu ii bogsanayaaye

Ka bedbaada baasaha col iyo beliyo laandayre

Baabkii Haah iyo Sharciga beerka ka ogaada

Bogganow Astaadkiyo cuskada barakadii diinta

Gaarkiyo Ilaalada badsada feeyigaan bidaye

Sidii baqorrradii Ayl fadhiyey barag-nugayl diidal


Wuxuu gabayaagu ku faraxsan yahay Jakulanka Sayidka iyo aragtida Xarunta, ka dib kolkii uu hel sano ku dhawaad ka maqnaa oo uu Shimbabiris iyo dhul kale wa Feegaayey. Duco iyo dardaaran markii uu saaxiibbadiis u dhammeeyey ayuu ku waaniyey inay gaarka iyo feejignaanta badsadaan oo aan ia gaadin. Halgqabsi wuxuu u soo qaatay Daraawiishtii qalcaddii Daawad oo Ayl ku taal joogteybe sida fiican u caabbiday. isagana celisey ciidammadii Keenadiid? ee ku soo duuley, iyagoo damacsanna inay qalcaddaas gacanta ku dhigaan. Kooxdaas Daraawiishta ah ee daartaas ku mintidday waxa uu Ismaaciil ku sheegay «Boqorro» aan nuglayn.