Kun iyo sagaal bogol iyo dhawr iyo labaatankii, ka dib markii uu Ismaaciil Daraawiish ka soo galay ayaa Dhulbahante Nugaal isugu soo guuray. Iyadoo halkaas la yaal baa suldaan Cali Keenadiid oo Hobyo uw talin jirey saddex col oo isdabajoog ah ku soo bixiyey. Colkii u horreeyey wuxuu qaaday geel irmaan ah oo uu lahaa nin oday ah oo Barre Bullaale la oran jirey. Kii labaad iyo kiisaddexaad waxay quadeen geelal kale oo faro badan. Saddexdaas col midna lagama hor tegin, mid walbana dhib la’aan ayuu wixii uu helay ku taabay. ° .
Maalintii dambe, iyadoo ay cidihii la dhacay shirsan yihiin, Ismaaciilna tadhiyo ayaa nin Biixi Qaley la oran jirey ku yiri, «Ismaaciilow, berigii Daraawiishi jirtey waxaad tirin jirtey gabayo guubaabo ah oo wax taysaga rabee, maxaa eegga kugu dhacay oo aad la aamusan tahay». Ismaaciil kolkaas ayuu gabaygan guubaabada ah tiriyey, isagoo reer walba gaar ahaantiisa u canaananaya:
Bojin maayo gabay Biixiyow' beegga haatana e
Nin ka baadey baan ahay tolkiis booldhannimadiiye
Ba’naantti shirshooraha waxaa beenshey cararkiiye
Eeggana bagdhoos bayga galay barashadiisiiye
Badalliga raggii wada noqdee baarka kala jeexday
Bogol yaa ka raray geedihii baxaye dayreede
Barkad uguma bogin geeddiguu baydadka ahaaye
Barre’ markii la dhacay yuu ratiga buur u looshadaye
Berberuu u jeedaa inuu biic ka jiriyaaye
Alley Bahararsame looma filin baabka ay tahaye
Bur ma tuurin nimankaan lahaa beel ha shiriyeene
Bugtii horeba waatay qaxeen bogorradiisiiye
Biyo nin iska sayraa ma jiro bari Nugaaleede.
Bar baa cayra reer Jaamicii biligu saarraaye.
Baylihiye geelii markuu beleley keybkiiye
Biyihii Ugaaryahan ma tegin boobtankii shalaye
Bile iyo Cabdaar’ iman markii buugga loo diraye
Hadba baal la jarey reer tolkood waana bixiyeene
Bustahay hullaabteen kuwaan bidayey duullaane
Axmed Garaad isbahardaadiskii biid ku tari waaye
Bilaash looma dhigin geelan uu biran Majeerteene
Burge miiran buu dhalay raggii beeray waa hore e
Goortay belaayadu dhacdeey baragq nuglaadeene
Marna haddeeyan biid igu tarayn baaho iyo eebo
Bicdadooda lama joogi karo duulkan bayrta lehe
Beled inaan u haajirana way bedownimo e
Barakaate Eebbow xaggaa iga bedbaadeyso !