ANNAGOO TALEEX NAAL
Khaliif Shiikh Cabdille 00 ay Sayidka walaalo ahaayeen, madaxna ka ahaa Xarunta Laanteedii Webi Shabeelle ayaa 1913kii Taleex u soo dhiibzy awr badan oo sidda hub, rasaas iyo dhsr. Iyadoo Doollo la soo marinaayo ayaa waxa arkay niman Soomaali ah oo ay Daraawiishta col ahaayeen, dhanka Ingiriiskana ka soo jeedey. Intay ordeen ayay Burco tageen oo ka war geeyeen, dabadeedna waxa lagu soo bixiyey col Soomaali ah oo wu Ingiriisku soo hubeeyey. Awrtii Daraawiisheed oo meesha «Beer» la yiraahdo mataysa ayaa colkii halkaas ku dhacay, waxay siddeyna ku taabay, raggii wadayna wax la laayey iyo wax la dhaawacay ayaa laga dhigay. Firxadkii! kolkii ay Taleex tageen, ayaa Sayidkii galqaalay col Daraawiish ah oo aarsidoon ah. Nimankii safarka dhacay xoolahoodii ayaa colkaasi mooradugay; kuwaas oo Ingiriiskii Burco joogey iyaguna qaylo kula dhex dhacay. Koofil col wu madax u yahay 00 Soomaali iyo caddaanba leh iyo ciidankit Daraawiisheed oo xoolihii wata ayaa goor subax ah meesha Dulmadoobe? la yiraahdo dagaal xumi ku dhex maray. Goobtii Daraawiish baa heshay, Koofilna halkaas ayaa tagu diley. Markii Taleex la yimid ayaa Sayidku Ismaaciil] ku amray inuu ka sheekeeyo wixii ay xoolo heleen, sidii dagaalku u dhacay iyo wixii intii ay duullaanka ahaayeen la soo gudboonaadey. Suu wuxuu yiri:
Annagoo Taleex naal jihaad, taladi soo qaadnay
Toddobaatan boqol oo Darwiish, togatey neef doora
Sayidkeennu tii uu na yiri, Torog ku heensaynnay
Shakadaha intuu noo tebbedey, noogu tacab qaybi
Illaahay ha’ tabantaabiyee, ducada noo tuumi
Wareegada rag baa waxay tewali, yaan wax kaa tegine
Annana tawlka qaalmaha nin iyo, tulud u soo saarray
Sibraar caana geel loo tabcaday, talax ku sii maallay
Tiirkii Rasuulkiyo sharciga, toog ku wada fuullay
Galabtaa taxaabiyo kadlaba, toobiyaha raacnay
Habeenkii fardaha waw tudhnaye, taag ku sii mirannay
Tun biciida lagu qoofalyow, xamashka loo taabay
Talaaduhu markii ay dhaceen, talalay oo reemay
Tixda gabayga goortaan akhriyey, toose niman jiifay
Tiraabkaygu meeshuu ka baxay, la isku soo tuumi
Salaaddii markii aan tukannay, yaarka kaga taagnay
Togga Ulasameed dooyadii, horay u tuuryeynay
Intay timacad noo soo arkeen, marada noo taage
Annaguna jihaad kama tagnee, tiimbad ugu roorray
Sengeyaal tabaadiyo galool, weerarka u tooxnay
Tiiraanyo ololkii dhulkii, Taani naga qaaday
Tallaa’ayda qaylada Berbera, tahan la weydaari
Taambuuglayaashiyo kuway, tebeysey soo gaadhe
Teysaha gugii oo hanqadhay, tininigtii yeedhay
Talaxumada awrkuu u xidhay, baqe tarraarsiinnay
Gildhigaanka meeshuu turqaday, lagu tunsii geela
Tirsan mayno uunkii tirmiyo, tulushle Iiddoore
Gaaladu waxay tacab lahayd, taabnay galabtaase
Maadhiin turaabtaa ka badan, tuurta kaga qaadnay
Tukihii intaan niman u wadhay, tobanle soo qaatay
Gebagebo u tooxnoo Kufriga, maarre kaga teednay
Tafwareeman maynine intaan, tubay ku aanshaaday
Galabtaa carraabada ku nimid, turugga Buuhoodle
Habeenkaa ninkii tamar lahaa, tarantarree gaadhka
Habeen kale taxaashay Nugaal, Godan u tuuryeynay
Habeen kalena tuuraha Cadduur, toolin kaga maallay
Habeen kale Tagaabeeye iyo, tu’innay Hayllaawe
Habeenkanna Dariiqada tubnoo, toosan lagu qaybsay
Toban gool tabaadiga dhigiyo, toban unuun gooyo
Iyo toban tiftii hore rimoo, taani lagu qooqshey
Iyo toban abeer tawllahoo, tixinka qaalmooda
Iyo toban irmaanoo aniga, la igu taageeray
Iyo taan eryoon jirey markay, tubantehey joogto
Been laguma tookhiyo afaan, taabud noqoneyne
Intaa Xarunta waan tubay xaqaa, lagu tanaadaaye
Warka Tuurre waa laga hayaa, taniyo Iimey e
Waa Xamar tarraara oo misana, taab ku sii daraye
Taltallaabsigiisiyo kabtiga, tabo kolow dheere
Anigana tis bay galay intaan, col ugu taagnaaye
Tuludna uma godlaan reeruhuu, tawl ka saanyadaye
Tafantoofka gaalkuu u dilay, waa tix geliyaaye
Suldaan Ruumna loo tebi inuu, tuuladii gubaye
Tima soohanlow Eebbahay, kuma tabaaleeyo.
Gabaygani wuxuu ahaa gabaygii Sayidku uu Koofil u tirshey' ee caanka ahaa kii ka horreeyey oo ay isku maalinta soo baxeen, isku goobtana lagu mariyey, iyadoo lagu diganaayey ciidammadii Ingiriiska oo uu facsharku raacay. Waxay ila tahay inaad, akhristow, aad ugu bogtey sida uu gabayaagu dagaalkii u tilmaamay iyo sida uu uga warramay maalin kasta iyo habeen walbaba halka ay ku sugnaayeen iyo waxa ay qabanayeen. ,
Ismaaciil wax kale kuma tilmaami karro inaan niraahno mooyaane, ’Wuxuu zhaa askari daacad ah oo si wanaagsan wixii haw! ahaa 00 loo diray uga soo dhalaalay oo rumaysan dhibtii uu galay in Ja galo inay mudan tahay ! Wuxuusan, haddana, illoobin oo Ja oran karaa waa ku sugay ammaanta faraskiisii Tuurre lagu magacaabi jirey; kaasoo u suurageliyey inuu wuxuu Ingiriis ku markaday ku markado, dabadeedna Koofil oo meyd ah uu ka dul geeraaro!. Tuulada uu leeyahay
Tuurraa gubey waa Berbera oo sidaan horay ku soo xuusnay ay beri rag Daraawiish ah oo 50 ahaa, Ismaaciilna ku jirey ‘ay intay galeen rasaaseeyeen.