ALLAHAYOW WALAALAANNU NAHAY
Maxamed Ciise Faarax oo Darwiish daqatre lagu haynaasi jircy Ismaaciil baa abti u ahaa, wuxuuna ahaa nin reer magaal ah oo odayga u roonaa, hadba kolkii uu u sodcaalo ama way u farsado.
Ismaacii oo reerkiisii jooga ayaa beri dambe loogu soo warramay inuu Maxamed magaalada Burco ku jirranyahay oo furuq ku dhacay. Warkaasi aad buu gabayaagu saameeyey. Galab galbaha ka mid ah oo isla ayaantaas ah ayuu arkay baabuur Burco u ambabaxsan. Markaas buu gabaygan mariyey
Baabuurka tegayow haddii tacab laga buuxsho
Ninkii too muraad u leh hadii lagugu sii taaro
Wiil tabtaada laasimay hadduu tumanka kaa fuulo
Tartarraciyo feeraha hadii teneg lagaa saaro
Tawil gaabsha miihide haddii lagu tamuunsiiyo
Tuujaha haddii lagugu dhego talel hinjiinkiiye
Oo toogo qumiyow sidii waraf laguu tuuro
Tafeennadaadoo boor ku leh iyo taabsinnada shaagga
Waxaad hilinka taahdaba haddii suuga lagu taago
Tumbul baa idiin iman markaad tigirka aastaané
Ninkii Maxamed tawilane arkow tebi farrintayda
Haddaan tol iyo xidid leeyahay tebiya dhawdayda,
Intaas markuu yiri ayuu raaciyey tuducyadaan tiiraanyadu ka muugato ee ku tusinaya sida weyn ee uu inanka u jeclaa, Bal tartiib u akhri oo isku day inaad si Wanaagsan u garato xanuunka hoose ee gabayaaga haya ee uu la tiicayo. Wuxuu yiri
Weylaalistii xalay ma ledin wahan daraaddiise
Warka Maxamed laga keenay bay wereftey laabtiiye
Waxba iima tarin caanihii Waariskii dhalaye
Allahayow walaalaannu nahay wiilka hooyadiye
Allahayow wadnaha hayga qaban waaxid baa tahaye
Allahayow waddada hayga gurin way irmaan tahaye
Allahayow waraagq baas dhambaal wada ha ii keenin
Mar kale oo uu Ismaaciil Rabbi ka baryaayey inaan geerida Maxamed whaqso loogu soo sheegin ayuu tixdan kala hallowdayna imariyey. Wuxuu inanka ku maseeyey wadnihiisa, indhihiisa, beerkiisa, lugihiisa iyo xubin kasta oo oogadiisa ka ma ah, noloshiisana lagama maarmaan u ah. Intaas oo idil marka uu isdaba dhigaayo wuxuu ina tusaalaynayaa yo qura halka sare ee uu inanku ka joogo iyo waxtarka uu ku qabo. wuxuu yiri
Allahayow mahurahayga beer Maxamed weeyaane
Allahayow manjaha laga socdiyo madaxa weeyaane
Allahayow wadnaha miririgliyo midigta weeyaane
Allahayow miskaha laga kiciyo waa malluuxyada e
Allahayow lafaha mayrag iyo waa mergiga dheere
Gabaygu sidaas ayuu u socdaa, xubin walba oo dadka jirkiisa ka mid ahna wuu ku sheegay, ha yeeshee, waxaan shantaas tuduc ahayni nagama soo gaarin. Maxamed Ciise ayaamo ka dibba wuu doorsaday, dadkuna waxay taas u saariyaan ducooyinkii badnaa ee Ismaaciil oo Ilaah samada ka aqbalay.