ADDUUN QANI AHAAN WAA

Had iyo goor haddaynu muslin nahay waxaynu qabnaa fikrad ah inay aakhiro tahay halka ugu habboon ee ay lama huraan tahay inaynu u shaqaysanno. Adduunku, waa iyada la yiraahdo, waa meel laga guuri doono oo aan loo baahnayn in laysk:. sii dhejiyo ama lagu dabo lumo. Ismaaciil Mire, in kastoo uu dagaalyahan ahaa, haddena dadkij yiqiinnay waxay ku tilmaamecn nin cibaadaysta oo mar walba Jlaah iyo aakhiro maskaxda ku haya, taasna haddi maansooyinkiisa laga dhex goobo waxaa laga helayaa gabayo door ah oo uu ka mariyey. Gacantiisa tusbax lagama waayi jirin, madaxiisana «an iyo geeridiisii waxaa ku duubnayd cimaamaddii Daraawiisheed ee uu Sayid Maxamed u xiray, astaanta diincedna ahayd.


Gabaygan soo socda wuxuu u mariyey Xaaji Maxamed Cawl oo uu ka beryaayey inuu Quraanka u dhigo, ka dib kolkuu soo arkay wixii adduun macaan iyo kharaar lahaa sidii ay isaga lahayd. Waxaa muugata inuu kolkaas goostay inuu wax kaloo dhan faraha ka qaado oo uu si qumman ilaah ugu go’o. Arrimahaas oo idil ayuu tixdan ku sheegay. Wuxuu yiri:


Qubad rooba dooxooyin qoyey qararka oo laacay

Qabiilooyin madal yeeshay oo quraca' gaashaystey

Qalbigaa jeclaystaye adduun qani ahaan waaye !


Qumman gabara gool iyo xariir qam isku soo siisay

Oo qoyska gool loo dhigiyo Qadow' karuurkeeda

Oo xeeryo kibir loo qafiley qolalka loo tiirshey

Ay galanjo' kugu meerayso oy qiro adeegeyso

Oo gaac ka soo karahayoo qurux alluu dhiibay

Oo aan yarraac’ kula jeclayn qado hadday dhiibi

Qalbigaa jeclaystaye adduun qani ohaan waaye !

Qadhle' awra qoor karinle’ iyo korommo’ qaad weyn leh

Qollatiinka geel* iyo lo’ iyo qalab camuuddaasa

lyo ciirta qabaweyn’ habladu qun ugu xitrayso

Qalbigaa jeclaystaye adduun qani ahaan waaye !


Qabaal dariba’ qaarwaax’ cusbo leh qabay’ la soo buuxshey

Qaxwe shaah leh malab qooshan iyo qaltd’ lageeaeeyey

Qalbigaa jeclaystaye adduun qani ahaan waaye !


Ina Qoogan” iyo Looshane" iyo Qaabil’” iyo Tuurre”

lyo Qadow Caleemeed"™ beryaan col ugu qoodnaaye

Oo aan qalqaalaha jahaad Qalas u saarraaye

Wax dhaaxaan cidlada qaayiboo qoor ugaarsadaye

Wax dhaaxaan intaan goon makalay qaar ku baashadaye

Wax badan baa qusuusi’® u ahaa qayro dirireede

Oo ay aati iga joogsadeen qoonka gaaladuye

Wax dhaaxaan dembaab lama gqirtee qayrna daalibaye

Qudha laguma waaroo nin nool qaamud™ baa heli;e

Qarfo waxaan wareegaba garkii qaynaxuu dhigays

Waxse ydduun qatalayaa ninkaan qawlka diin barane

Quraanka ii dhig aan macallinow qaalin kuu xiro e!