ABWAAN CABDILHAAHI NUUR QOOFAL(ABWAAN JACBUR)


Ereyadii heesta, waxaa alifay abwaan Cabdillaahi Nuur Qoofal oo ku magac dheer( abwaan Jacbur ) oo reer Taleex ah. Si loo fahmo Erayada heesta ku jira waxa dib u qoray Hal-Abuur Ayaanle Maxamed Ismaaciil ( Ayaanle Darwiish)


1. Sida faras xulaaloo (bulaaloo)

2.  Aan xaaluf aragoo

3.  Nugaal xayska daaqoo

4.  Baruur dhabarku xoodmoo

 

5.  Ama xalin fadhiyayoo

6.  La xanaanin jirayoo

7.  Xudunta iyo feedhaha

8.  Farowgu uu xardhoo

 

9.  Oo xuub dhacsadayoo

10.  Sayntu dhulka xaabtoo

11.  Oo aan xajiin iyo

12.  Weli mudan xasiiqoo

13.  Oo xariirta shaalkiyo

 

14.  Xakamihii la sudhayoo

15.  Koore loo xambaarshoo

16. Xogogaale fuuloo

 

17.  Oo xuufta boodada

18.  Xawaaraha la yaaboo

19.  Oon orodka xiiqayn

20.  Qaar baa xaraamee

 

21.  Marka aan xagaagiyo

22.  Xubnahaaga eegaba

23.  Xiisoodayeey 

24.  Xadantoodayey

25.  Xoodaantayeey

 

26.  Sida xiinta geeloo

27.  Xiligii gu'ga iyo

28.  Inta ay xergeeyeen

29.  Xodaya ay ka foofsheen

 

30.  Ama wiilal xoog lihi

31.  Inta ay xabaadheen

32.  Xidhadhkii hagoogani

33.  Xeryo uga oodeen

 

34.  Ama ay xayaabliyo

35.  Banaanada xal xaliseed

36.  Kayn labaale xaadheen

37.  Nirguhu ugu xidhan yihiin

38.  Oo xamaashka dooguna

39.  Xagashaada gaadhoo

40.  Roobna uu xuluushoo

41.  Wadhantahay xareedii

 

42.  Oo ay xaftiisa iyo

43.  Xigtiisiiba taaloo

44.  Oo weelka xoortiyo

45.  Caanuhu xarfanayaan

 

46.  Marka aan xagaagiyo

47.  Xubnahaaga eegaba

48.  Xiisoodayeey

49.  Xadantoodayeey

50.  Xoodantayeey

 

51.  Sida geesi xididka iyo

52.  Xigtadiisu jeceshahoo

53.  Oo xubinta hadalka iyo

54.  Xaajada yaqaanoo

 

55.  Oon xumaan sokeeye iyo

56.  Lagu xaman bakhaylnimo

57.  Oo xoola bixin iyo

58.  Deeqsinimo ku xeel dheer

 

59.  Oo loo xubeeroo

60.  Sida xuladka nool

61.  Xaashee aan la dhaafeen

62.  Halka uu xariiqoo

 

63.  Ama sheekh xadiiska iyo

64.  Xaqa diinta sheegoo

65.  Xag ilaahay mooyee

66.  Tii kaleba xooroo

 

67.  Oo ay xertiisa iyo

68.  Dadkoo idil ku xoomaan

69.  Oo ay xuural caynta iyo

70.  Jannadii xusuusteen

 

71. Marka aan xagaagiyo

72.  Xubnahaga eegaba

73. Xiisoodayeey

74.  Xadantoodayeey

75.  Xoodantaayeey