Abaan duule Ganey oo Cali dhuux reer hagar ku canantay inay ka gaabiyeen dirirta cadawga madama uu asagu marka aha horseedkii hogaanka beesha saciid harti wuxuu yidhi ganay Allah ha unaxariiste
Waadiga cadceed sadaye cumarow cali gari iyo markad gaadho qoladii reer jamac
Cududii reer gorod cashada aad warfa iyo cidaha aad joogto
Ayago cawaynaya baad utagi cishaha oo culus lasoo maalay
Cabdigii dheera iyo markad culumadii ama macalinkii aragto
Maandhow cali gabayga umari watu baryaha canaan nagu calameyaye
Caqligeena iyo markan calino taariikhda carabku
waa diidaya waxay nagu cananteene
Nin cirobay camalkii waa lagu ogaa inu cidis daaface.e
Caliyow sawtanu caabinay cadawga baasheena
Ingiriska cartiisi geelayaga sawtan cadhka sare goynay
Intanu faranji caduhu isaaq cudud kusoo caawin
Cadan managan idoor uga didin cidhifka buur gabo
Sawtii caynashihii soo cartamay cadba laga wayey
Cigal farax sawtu ogadeenka ciijiyey ee cawska uga dhartay
Cidahan darisku maantay dulan curiyeen diraacdii dhawayd
war sawtan carar koodii caydhsane curadba loo diiday
Habarjeclo carjarkii malintii caynka lays dhafshay
Ciroole iyo ciyal sawtii caganuhu jiidhay
Cida reer hagar dirir cadaw iyo markay cugato laandheere
War sawtanu cartami jirnay cidaha marku cadaw usoo muqdo
Casarkii fardahu markay nocarartan ee cagaha loolaabo
War Sawtii cadanka iyo madawguba calanka nootagi jiray cidaha beesheena
Cali gari canaan kama sugayn calow waadna caasidaye
Buuraha dacal ilaa dacal cagta faras markii lagu ciqaabayey
Cal iyo guban idoor markii cidida faras loo cagtirinaayey
War Sawtan curadadii iyo cuqaal kaga dilnay calaha hoos tooda
Cigaal faaraxa cartamay marku calan walaynaayey
War Sawtii cadaabkanu marinay habar jeclo caynanshuhu diiray
Cagta malintay ciid soodhigan xabusho calaf waxay hayso
War sawtanu cugan jirnay cudud iyo waxay calafba haystan
Cadceed subax ilaa cadceed galab cishaha fiidkii
Waagii cadaadaba markan ciidan galinaynay calaha guud kooda
War sawtii Catawgii ka baxay habar jeclo caadka laga sheegay
Celcelis ka guutada markii lagu caraabayo
nama cabin jirin ee wa kuwii cararka caadaystey
War sawtaan ciilnay ey calaan wada noqdeen
markan cudud ku naafeynay
Cadceedii timadaba colkan calaha sii fuushay
War sawtii calow coodan geel waxay hayen aan cudud kuso qaadnay
Ceer yamadii fardaha ee qarisay cayn iyo calaha guud kooda
War sawtan lahayn waa curadadii reer siciid cudud intan baanay
Cadawaha oo layska tiirsho ciqaab haday cidi ku faanayso
War sawtii calow cadawga dhamaan cudud lana feeyey