9. FUR GUDUUDAN


Goor iyo ayaan colaadda reer miyiga dhex taalla waxay ahayd mid taagan. Daaqa iyo biyaha ayaa u badan waxyaalaha ay ku diriri jireen ee boqollaalka nin u dhiman jireen. Iyadoo ay arrimaha caynkaas ahi jiraan oo Buuhyodle iyo dhulka u dhow colaad aawadeed looga baqday ayaa berigii dambe Ismaaciil oo Hawd jirey gabaygan goodulge ah mariyey. Wuxuu u gooddiyayaa dadkii ay colka akwayeen oo uu darzensiinayo inuu ciidansanayo, dabadeedna yu afka soo dhigan doono, isagoo Hawd ka yimid oo dhir yiideed xiran fur guduudan. Wuxuu yiri 


Fallaagiyo haddaan Aadan iyo Faarax Hagar doono

Caligeri ma faagtee hadduu ficil u soo guuro

Faracdit awawgey haddaan idinku soo foofsho

Fur guduudan anigoo sita oo firiyo boor weyn leh

Idinkoo feddada yaal hadday Faarac soo dhigato

Laasahan la fiiqsanahayaa fuud ka kululaane 

Waxaan furay Furriyo Buul inaan lay fadhiyahayne 


Geel fercnji gaawe u sitaad gaari ma lahayne

Gaariyaal giriiftamahayaad gaari ma lahayne

Hablo garacyo laga xoorayaad gaari ma lahayne

Goombaar raggii diidday baad gaari ma lahayne