8. SOO CELI DUCAALOW


Aw Ducaale Ileeye waxa uu ka mid ahaa raggii Daraawiishta ahaa ee ay Ismaaciil aad isugu dhowaayeen. Waayadii dambe, iyadoo ay colaadi jirto oo in geela lagaqaado ay cabsi ka qabaan ayaa Ducaale, dhaqaalayn aawadeed, geeliisii u door biday halkii colka loo malaynaayey. Ismaaciil oo Ducaale waaninaya ayaa yiri 


Nin karuur sangada jeexayaa talo ka seeraarye

Sarmaanteedan iyo baa ku filan saaca Jilibboode

Soo celi Ducaalow hashaad sare u daaq geysey.