7. SOOMA ROGAHAYN
Gabaygan shanta tuduc laga hayo dhab uma hubno sababtii uu ku soo baxay, ha yeeshee sida ka muuqanaysa waxa uu gabayaagu ka yaabsan yahay sida arrimuhu isku beddeleen. Wuxuu yiri
Sonkortiyo bariidkaa yaraan sooma rogahayne
Sabeen iyo wan baan rodol baxayn sooma gahcyne
Siyaakhudaha dumarkii xirtay ee saxansaxoonaayey
Ee weliba saa’iley ragga ee lagu saluugaayey
Inay sacabka cawrada ku qarin sooma rogahayne