5. KAS OO BAAD DOON


Ismaaciil baa ayaan sodcaalay. Markuu soo laabtay ayuu arki waayey waxar uy lahaayeen oo jabnaan jirtey, had iyo goorna dabka uun kulaali jirtey. Hadduu fiirfiiriyey oo waxba waayey ayuu afadii weydiiyey oo ku yiri. Naa waxartii meedey ? Markaas bay tiri Reero halkaasa oo meel hebla deggan baa lagu sheegayey. Oo miyaad siisay ?. ayuu yiri. Waxay tiri, Oo yaa wax ku falaya Hadalkii kolkuu halkaas marayo ayuu tixdan oo waxtarka xoolaha kaga sheckaynayo mariyey 


Kacoo baadi doon waxarta yaad beri ka sheekayne 

Ciir barigay baarrooyin xiran qoys la wada buuxshey .

Furaash lagu bardoodamahayiyo baarax iyo naallo

Sindi talac leh baashaal xarrago Balax ku laafyooto

Bilaash hc moodin ee dheregtu waa barada xoolaade

Baaruud qarxaysiyo shanqaad belel ka duulaayo

Berigii can helay hooyadeed yaan ku beegsadaye

Buur igala culus neefkan aad balagsanaysaaye

Balambaallis fudud haw malayn ina Ballaaseede