4. XIGMADDAA BAL DAYA


Gabayaaga oo ergo u ah magtii Jaamac Calinuur,, joogana meesha Xuddun fa yiraahdo ayaa markuu habeenkii seexday wuxuu riyo ku arkay afadiisii uu jeclaa oo golihii uu hurday la joogta Markaas buu ka fakaray awoodda Eebbe iyo waxa ay riyadu aadkeedaba tahay ama ku timaaddo.

Maxamuud Salwiye nin la yiraahdo oo la socdey ayuu subaxdii ku yiri 


Maxamuud xabiibow haddaad xar tf i weydiisey

Xudun iyo boggii Goray anoo xoolo kuula seexday

Ayay xilo jannadii iigu timid dhogortii xiisnayde

Ka xaaxaantay gogoshii middaan Xaarre ku ogaaye

Goortaa xaqiiqsaday sidii xiid baraarugaye

Xigmadaa bal daya Eebbahay Xaakinaa garane