3. KA DHAMMAYSTAY
Faadumo Dhoorre Faadumo xabbado oo u dhaxdey Ismaaciil ayaa beri cidahoodii oo deggan degmada Ceerigaabo sodcaal ku saddey. Nin Bile Dalmar la oran jirey
oo ay gabadha qaraabo yihiin ayaa, dabadeed, Ismaaciil waraag u soo diray uu ku lecyahay Ismaaciilow, Faadumo indho dambe saari aad maysid, haddii aadan ii keenin
rag shan kun gaaraya oo ah kuwii Dariiqo Daraawiish
wax ku bartay oo fardaha sidii u yaqaan. Wuxuu intaas ku daray, Faadumo maanta adigaa u baahane iyadu kuuma ay baahna.
Ismaaciil kolkaas ayuu yiri, Warqadda Bile barbarka uu wax kaga soo uray mooyaane barbarka kale u roga Barbarkii caddaa ayuu tixdan ku qoray
Madi dhiil lahaan jirtey hadday dhawr gu kugu raagic .
Dhasha waxaad u maashaba hadday dhoofka ka caddaato
Dhudhubay nirgaha kula hadhaa dheelmatiinnada
Dhimataye sartaa laga dhistaa yaan dhurwaa cunne
Ka dhammaystay Faadumo dhal iyo dhuubkii guruxeede
Intuu naaska dhoolka u eg iyo dhabanku nuuraaycy
Haddii tayga dahco naagta waw dhiman lahaa ruure
Dhaar waxaan ku marayaa inaan geli lahaa dhiige
Miyaansaan u dhaxamoonayaa Dhiimaan guursadaye