2. RABBAA LAGU BEDBAADAA

Beri baa waxaa is urursaday niman dallinyaro ah oo ku tashaday inay dadka wixii ay ka itaal roon yihiin xoolaha ka qaadaan. Waxay isu bixiyeen fallaago, dadkiinafar dheeraatay bay ku noqdeen. Geela ay Nugaal iyo Burco agagaarkeeda ka qaadaan waxay la qaban jireen Wardheer,

Walwaal iyo Qorraxey.


Biriir Qamaan iyo Ctise oo Walaalkiis ah ayaa geel badan lahaa, markaas bay Fallaago damceen inay ka qaadaan. Dabadecd labadaas nin digniin baa u timid, waxaana loo soo sheegay tabaalana lala damacsan yahay. Markaas Biriir oo gabyaa ahaa ayaa gabay mariycy oo yiri 


Waxba yay feddeda iigu dhalin sidigta Faynuuse 

Waxba yay furaalaha ka guran firo yarow Dooxe

Waxba yayan fiidki la iman faallo goonniyahe

Ferenjigs ha qaadiyo Isaaq foos ka soo baxaye

Farawgiyo ammaankaba ha cuno fadaga Buureede

Ka fogee Fallaagiyo halkii Faarax Hagar joogo

Hana fariisan Ciisow intuu feleggu meeraayo 


Ismaaciil Mire kolkii uu tixdan maqlay wuxuu ka xumaaday erayga ah Ferenjigu ha qaado ee wu ka bilawdo tuduca afraad ee gabaygii Biriir. Markaas buu mariyey gabay aannu intan soo socota ka helnay 


Labo bahal Biriirow hadday kaa isugu baaqdo

Biriiryow xigaal iyo haddaad bah iyo hiil weydo

Hadba kii bahnimo kuu xigaa laysu buriyaaye

Rabbaa lagu bedbaadaa ee kufriga looma baydado e

Barkadni waa u dhaamaa hashanuu bururshey idoore

Baruurteeda aadka ah maxaa ugula beybeysan ?

Banidaa badraanyahow maxaad Boga u miidaamin