18.FANDHAAL SUBAGA


Sida la og yahay Ismaaciil labo goor ayaa Maamulkii Ingiriisku xiray. Marka hore waxay ahayd kolkii Daraawiish la jebiyey ee Berbera lagu xiray, marka labaadna waxay ahayd sanooyinkii afartameeyihii dabayaaqadoodii.kolkii guubaabadii samac Calinuur iyo colaaddii ka dhacday lagu xiray oo Mandheera la geeyey.


Labadaas goor, mid ahaan ayuu tuducyadaan mariyey, isagoo ka cabanaya cunnada meseggada u badan ee xabbiska lagu siin jirey. Wuxuu yiri 


Fandhaal subaga iyo baan agiin caanihii Farow e

Sidii faras galbeediya haddii fiidha la i siiyo

Fahmo guurayeey waxaan ka baqan inaan fariistaaye