17. NAGA GUURA


Mar kale oo sidaas oo kale daaqsintii lagu ciriiriyey, tuugadii iyo qaadqaadkiina batay ayuu tixdan iyana mariyey, isagoo canaan ulul iyo habaar labadaba u jeedinaya dadkaas soo hayaamay ee uu sharaystay. Wuxuu yiri


Subag gorayiyo saan gumburi guuldarriyo saancad

Geyigoo ammaanad dameer gibil cad keenteene

Gurgurkiyo baarradii ayaad naga gacmayseene

Naga guura gurigiin ba’yoo goob xun joogsada e