16. ANIGANA WAN BAA IGAGA LUMAY
Reer miyiga intii meel wada degtaaba waxay jecel yihiin inaan dad kale Ja soo degin oo ay meeshaas ku keliyeystaan. Waxay diidayaan durbadiiba daaqa Ia idlaysanayo iyo baadida oo badanaysa haddii ay xooluhu isu soo dhowaadaan oo daaqsintoodu meel qura nogoto.
Mar ay saas oo kale dhacday oo dadkii isu soo guuray ayaa Ismaaciil wan ka lumay. Isagoo wankii baadi doonkiis ah ayuu wuxuu hadba arkaa habro ari geeddi ah wada oo halkii reerkiisu ahaa ku socda. Tix laga hayo intaan yar ayuu markaas tiriyey
Geediga waryoonka ah Qayaad Waaxid bacfaraye
Waaceenta gaar bay habrahan warani eedeene
Anigana wan baa igaga lumay wada deggoodiiye