13. AFKA FUUDKA UMA QUURI JIRIN
Gabaygan yar waxa uu kula hadlayaa afediisii Faadumo ama Dhiimo middood, ujeeddadiisana marka la akhriyo ayaa laga dhex garan doonaa. Wuxuu yiri
Naagyahay abiidkay ma cunin soor areerina e
Afka fuudka uma quuri jirin aabbahay Mire e
Anafcada wuxuu quudan jirey idil karuurkeede
Haddii ariga neef laga ajalo waa abaar kulule
Addimada haddii lay karshoon awlallada laasto
Inaan adarka kula heensadaa waa asluub xumo e
Maxaad fuudka ii soo ag dhigi ma ihi lidoore