12. GACALEEYADAA MACALLINOW


Shiikh Axmed Xaaji Xasan Shiikhdoon oo haddana nool ayaa ber Nugaal yimid, isagoo Xiis iyo Mayr ka yimid oo rasaas iib ah sita. Ismaaciil baa damcay inuu qaarkeed ka iibsado, markaas baa Shiikhii yiri, War sow Ismaaciil Mirihii aan maqli jirey ma tihid?. Haa buu yiri. Markaas buu inta shakad dhan oo buuxda soo furay ku yiri, War kaa jibin maayee iska qaado. Ismaaciil aad buu deeqdaas ula dhacay, wuuna iska tegey isagoo niyadda ku haya inuu mar uun ka abaal gudo. Dhawr bilood haddii waqtigaas laga jcoogo ayay Ismaaciil la ahaatay inay habboon tahay wixii la taray inuu wax ka celiyo. Qaalin aanan hadda hubin inay geel ahayd iyo inay lo’ shayd, hase aheetee labadaas mid uun ahayd ayuu soo kaxeeyey oo keenay. Shiikhdoon wuu diiday, isagoo leh, War Ismaaciil, mar hadday wuxu deeq ahaayeen haddeer wax ka soo ceshan maayee, mar kale ha inoo ahaato


Lix gumar Jaga joogo ayuu Ismaaciil haddana u keenay qaalin lo’ ah oo Ina Waasac la oran jirey, tixdanna raaciyey 


Gacaleeyadaa macallinow iguma gaabnayne

In kastaan guyaal iyo guyaal guuyo kugu miiso

Haddaan bogol halaad kugu gallado gabarna kuu raacsho

Marna waxaan i gelahayn inaan kuu abaal gudaye

Bal guddoomo xaajadu wallee waa gun weyn tahaye