11. KALA MAQAN
Aw khaliif Kibirhaye wuxuu ahaa nin wadaad ah oo noloshiisu miyiga ku xiran tahay. Wuxuu guursaday gahar Maka la oran jirey oo iyadu dhanka reer magaalnimada isaga uga dhoweyd. Murankoodii baa batay, maalin walbana kolkii garnaqooda loo soo fariisto waxay dooddeeda kusu. koobtaa, Wadaadku murriyad iyo dhar quruxoon iima fudin, iyo waxyaalo la mid ah. Ismasaciil arrintii haddii uu u fiirsaday ayay la nogotay, mar ay ahaataba, in Aw Khaliif iyo Maka ay kala xiriir furan doonaan mar hadday iyana doonayso murriyado iyo dahab, isna uusan hayn. Gabay ayuu markaas ku yiri
Kala maqan ratiga muuda iyo mooggan rarataaye
Kala magqan maloog iyo nimaan dabo mulluugnayne
Kala maqan midiidin iyo soor reer u miyayaaye
Kala magan Midgaan iyo nimaan madax u tuurayne
Kala magan maseellida xun iyo macangag kkoofaaye
Kala magan masuug iyo xigaal soo martiyayaaye
Marka horese labo ruux hadday maanka ka heshiiso
Marmaroorka dhexe waa waxaan meesha soo gelinc
Kala magan Makiyo Aw Khaliif malena beenowye.
Dabadeed sidii la iigu warramay, saaddii Ismaaciil way dhabowdey, Aw Kkhaliif iyo Makana way kala tageen.