1. YAA MAQLAY OO JOOGEY
Nin la oran jitey Maxamed liicliic ayaa beri isagoo soconaya oo faras ku jooga reer u yimid. Keerka waxaa joogtey gabar markaas Ia aroosay oo hoos galbeedka fadhida. Intuu faraskii soo ag joojiyey ayuu yiri, Walaal iSoo waraabi. Gabadhii intay istaagtay bay kalax biyo ugu soo qaadday, markay damacday kalaxii u dhiib ayuu inta quruxdecdii u bogey kor u dafay oo faraskii kula cararay. Markaas buu Ismaaciil yiri
Garaad Faarax maandhaaf horaa loogu mawitiyaye
Maantani masuubada wax dhigay Maxamed Nicliilo
Ragow maagga maaggaa ka weyn yaa maqlay oo joogey ?