Waxaa gabaygan Laascaanood kasoo halgaadey, silsiladdiina kusoo biirey Abwaan Shaafici Cabdiqani Axmed, isagoo Abwan Xaraare Xaaji oo hore gabay usoo tiriyayna ujawaabaya Abwaan Cali-food Xassana ku raacaya qodobadii uu kaga hadlay gabaygiisii, waana gabaygii 10aad
Sooyaalka gabay waayo dheer ma aanan suurayne
Sadex iyo anoo toban jiraan saajac ku ahaaye
Waataan ka saahiday murtidii saafiga ahayde
Aan sifeeyo caawoo kalaan sax u idhaahdaaye
Sakhiga dawladoow adiga iyo suuban hadal kiinna
Sababaha jacaylkiyo xubbiga lagugu saameelay
Suugaanta waakaa ka furay sabada cay meede
Nin weliba sidii uu jeclaa saabka ka higgooye
Suufiga xaraaraa dhex galay seere iyo moole
Waa taan ka sawlaxay markuu saamo kuu tumaye
Surinkii jacaylkiyo tixdiyo seegyay marinkiiye
In silsiladda uu dhuuxo baa uga sad roonayde
In Saluugla aad weyday buu saaka kaa dhigaye
Wataa seermawaydiyo siciid sadarki raaceene
Samadoonka caligii ahaa saafyay maansada'e
Suxubidan uu faalleeyay baan sawd yar kaa odhane
Markuu gu'gu saldhigo ee ka da'o soolashiyo hawdka
Ee laba sagaalaad daruur soconaysaa hoorto
Ee saaca geedaha ka baxay udug kusaaqaayo
Sareedada adduunkiyo nimcada eebe ina siiyo
Sayax iyo dhulkoo doogle oo saban barwaaqaada
Sifihiyo tilmaanteedu weygala sarreeyaane
Suhradiyo shamsada iyo dayaxa way ka sidattaaye
Marka sabab jacayl loogu kaco sabada reerkooda
Salaxley iyo gaaroodi aan ugu saqaafayno
Suldaamiyo ugaasyiyo cuqaal sama ku maamuusan
Maantaan u sahay qaadanee wada salaamayno
Soo jireenka dhaqankaa markii la isku sooryeeyo
Ee uu tolkaa kula socdaad siman helaysaaye
Geelaba harwayn siinadloo soohdin lagu foofshay
Oo sagaal jir lagu qooqshay uu sabarku qaansoobay
Marka rabad ilmaha lagu sidkiyo qaalmo laga sooco
Sittiinkaa adeer Cali baxshiyo toban aan suureeyay
Sabciinkaa markii laga tumay kuu sal-dhigaysaaye
Sikastay ahaataba marbay sowjadaa noqone
Sangootida nugaal iyo fadhida sabarradaa dhooddi
Ee sifaarka dooxooyinka leh sabanaysee joogta
Suunaari qoobyara markii subax la' heenseeyo
Sacab iyo damaashaad markii lagugu saaciido
Ee ay soo dhaweeyaan hablaha soonka wada jooga
Hadii uu ilaah kuu sikhiro saad dambaad heliye
Waxa sinuhu kula wiiqmay aad dheefta uga soontay
Sahwigiyo dhibkiyo hawsha ay saxarla' kuu keentay
Sadriga iyo laabtiyo qalbigu saaxi bay noqone
Saqda dhexe markii xalayto aan saray usoo toosay
Salaadaha markii aan tukaday ee sunnaha oogay
Suuradaha markii aan akhriyay Sabiyo Yaasiinka
Soo jeedka laylkii markaan samada eegaayay
Inay adiga kula seexataan saa il ku ahaaye
Saatirkay inuu iga aqbalo waan ka sugayaaye
Salaama alla guurkiinnu wuu suuro galayaa.