Waa tudacyo aan ka soo qaadanay gabay uu samatar baxnaan kula hadlayay Abwaankii gabayada kululaa ee la odhan jiray Yawle.

  1. Mooradu ma fiicniyo nin maal, lagu majeertaaye

  2. Anse macalli n diin laan ahoo, dhigaya mawliide

  3. Sida sheekh mufti ahoo cilmiga, madal ka sheegaaya

  4. Bal aan mariyo maaweeladaan, maahirkeed ahaye

  5. Nin hadduu malluugada yaqaan, mooradiyo faalka

  6. Isagiyo Fircoon baysku mida, maalin aakhiro e

  7. Adow maraga oo shaacir waa, inuu mushteegaaye

  8. Inuu gabaygu kaa yare mergedo, laguma moodayne

  9. Marka hore hadday laba qabiil, kala maqnaan weydo

  10. Miyir lagu walaaliyo hadday, maarsi kala weydo

  11. Mindiyo laysku dooxiyo hadday, maradu dhiigoowdo

  12. Mirta iyo dharaartuba dagaal, kama maqnaadaane

  13. Mutux waxaa ka xoog badan sirtii, laysku mowtiye e

  14. Waxba Habar-Jeclada aan makalay, haw makaabirine

  15. Shan qolaa mataanaha ka jaban, Maxamedkiinniiye

  16. Madmadoobayaal oo dhan baan, loo muraad qumine

  17. Waa muusanoow iyo baroor, maansadaad tidhiye

  18. Maadhiinka nimankaan la dhacay, miida Habaryonis

  19. Magta geed-quwaax lagu xukumay, waa rag kaa maqane

  20. Ma mardaadi baa kaaga jira, muuqan mahayaane

  21. Mise waa kuwii lagu mudmuday, maqasha daaqeeda

  22. Afrataa madkeeyeye miyaan, meelna ka habowshe

  23. Madhoodhooyin iiguma baxdee, marin ma qaadsiiye

  24. Micne kalena waa eray yaroo, Maxamed loo sheegay

  25. Adoo macawis iyo shaal sitoo, muunadii boqor leh

  26. Maajeenta ceelkii lahaa, amase maygaagle

  27. Muusiyo Quddayr iyo jafkaad, nala mushaaxaysay

  28. Aduun bays maqiiqaye dhulkaad, magan ku daaqaysay

  29. Maantaad cabbaysay biyuhu, magac lahaayeene

  30. Imminkay mariid kula noqdeen, mur iyo deebaaqe

  31. Muslim meel xun laga qaatay waa, inuu mastuuraaye

  32. Madfac iyo rasaas bay noqdeen, mahadnaqaagiiye

  33. Ma munaafaq baad tahay abaal, waa ku moog yahaye?

  34. Afartaa madkeeyeye miyaan, meelna ka habowshe

  35. Madhoodhooyin iiguma baxee, marin ma qaadsiiye

  36. Micne kalena waa eray yaroo, Maxamed loo sheegay

  37. Makhribkii hadaan duulay, waa mid an ku dheerahaye

  38. Muunida aroortiyo hadhkii, kuma macaashtaane

  39. Waa taan makaartii Goleed, kaa mullaaxsadaye

  40. Maydkii Isaaq lagala hadhay, moodharaa guraye

  41. Waa kii waraabuhu ku mamay, maaxdii Reer Sahale

  42. Haddii deyrtu waa mudan Hartiye, nala mihiibsiiyo

  43. Meeshaad taqaanneen haddii, mayeyga loo diido

  44. Meermeerka Gubaddood haddii, lagu maqnaan waayo

  45. Sida maylka geeddigu hadduu, mudh isa soo siiyo

  46. Manqax iyo haddii xididtinnimo, la isku muuneeyo

  47. Hadday Muusayaal nala dersaan, nagama maarmaane

  48. Dad ninkii manaabo la' haddii, midigta loo dhiibo

  49. Magligaad afaysaa ku goyn, muruqa Yowloowe

  50. Maatada xaggee Reer Cismaan, madaxa loo saari?

  51. Mas baa kaga tufaye laaska yaa, mar uga soo dhaamin?