HAYA BARI
Abwaan suusle Gabaygi qoobab kadafleey dagaalkii haye
Aduunyadan qaskeedi batay Iyo qabyo maandhaafku
oo ay qaraabiyo goeen qaafe iyo seedi
Qaxa dhacay qurumaha isdilay qaaca olalaya
Kolhadaan ragbaan qarin jiray Ee qaarac laysmooday
Oo qaadi shiikh dhalay qadaf ladeen waayay
Waa inaan qormada reerkayga dib uqorsheeyaaye
Waa inaan qaniin guuriya oo qodax Ka dhawraaye
Qolqoladiyo waa inaan xeryaha qori jab loo dayne
Waa inay quruuj iga baxaan qoladan iidore
Qaliijkiyo sucuudiguba waa qaar inagu dhawe
Hadhaw bay kasoo quusayaan qooriga cadmeede
Waa inay qaxoonti ugalaan qaaradi yurube
Qaanjeerka waa inay maryaha uga qasaalane
Waa inay. Quracda udubaan qaydhinka hilabahaye
Haqabteen qabaan faranjibay qaaya bidayaane
Qosolkaygu waa ina xirsoow xaajo qaro Wayne
Waa sidaa qiyaanadi doraad ugu qasaarteene
Waa siduu marqura kuu khatalay qaad iyo iblayse
Waa sidaa qamaar ulagasheen qoodha habarwaaye
Qalinkiiniba buuxsamay qurub Ka noolayne
Akhirina meel laqabsado qaadir magantiye
Allaylehe baga loo qatalay qoobab kadafleey
Awalbay qardoofadu utiil labada qayboode
Qarni iyo siyaaday ahay qax iyo duulaane
Oo qolaba qolo doonayeen inay qafaashaane
Tanise waa qadhoon ruuga iyo qaran jab iidore
Akhirina meel laqabsado qaadir magantiye
Allaylehe baga looqatalay qoobab kadafleey
Qorilugud qurmada coodanliyo qudhaca daahyaale
Qarariyo ilaha qaydal jeex qadawga reen weyne
Qadhilayda hawdiyo halkay qadaw Ka foofaysay
Qarka duure qooriga hayiyo qaydka garanuugle
Qalanqoolka geedaha noqdiyo qalanqashi eegi
Marhadii qalfoofkinu yaal Taniyo qaansoole
Akhirina meel laqabsado qaadir magantiye
Allaylehe baga looqatalay qoobab kadafleey
Qunyar soco markaad habarjecloy igu khilaafaysay
Ee qadaf dhulbahante aqoon qooqa lala doontay
Qayd igama saarnayn inay qaarad gubayaane
Nin qasaarihini ogaa quusay aadmige
Akhirina meel laqabsado qaadir magantiye
Allaylehe baga looqatalay qoobab kadafleey
Sidii aar qadoodo waxbadan qorta miranaayay
Anagoo qamuunyada ilkaha qac isku siinayna
Oo aan qamamada dagaal idinku qeeranshay
Qoraxdoo nin joogiya markaan dhebida kuu qoolay
Ee aan qalcadihii udhacay qalabka hoos yaalay
Qablo saacateen bay ahayd qabatankiiniiye
Qoqob dhoonka geelaba halba Lagu qataalaye
Iyadaba libaaxyada qatani waa uqufacayaane
Qaabadkaa ragii shalay ahaa qoorta laga gooye
Afqashuush layaashi lalaa qawqada ahaaye
Nimanki qaloonbiga badnaa waa qajilayane
Qosol Ku arki maysaan ragii qaaqda hayn jiray
War qayrkii nin loo xiiraya qoysay timihiiye
Marhadaan qalibay reeraha qaran Ku maalaysay
Marhadaan quraacdi badh cunay qadana iitaalo
Maantana adaa igu qalan qawgii dhereraaye
Shilalkiiyo lama qaadin iyo qodinki taagnaaye
Nin qaldhabaya qarawgiisu waa qaabka walad baase
Naf quraanqurkeedi go'ay buu qaaqda lahayaa
Qadha nabarka loogama tudhiyo qaarta maxamude
Mulaca ay caruuruhu qabteen qayrkiiba tahaye
Qurbaha joog ina xirsoow waa Lagu qoraye
Afarta sidii roob quwad leh maysu qabadsiiyay
Maqadimay qamaan iyo sidii qoomki Cali aadan
Qasbi mayno ee gabaygi qadinkii daarode
Qalin duuraha reeraha qaadin noqon waaye
Nin qawaacidkiisi bartiyo qaaribaan ahaye
Maqotomiyay maansada ragbaa qaybin waligoode
Qoomaha tolkay igu dhigaan kuma quseeyaane
Qandhifooyin badan baa jira aan iga qarsoonayne
Hayeeshe qudhaadaan Raba inaan qisaasaye
Qalacada anaba waa niqiin tan iyo qaabiile
Dhaaxaan rag laga qoofi jiray qaash Ku gawracay
Hal laqalay Hadii qaroomada qaybta Lagu saanyo
Hadii qaydhinkii hore hilbaha qoriga loo tuuro
Nin qawaday qorkii uu lahaa waa laqadiya
Qalbiga iyo iimanki baa Ka qaloocsamaye
Qarqarkiina waa haysateen calankii Qayraane
Qotonka kuwada maalayseen qabawga maandeeqe
Qotonkeeda waa taa waxbadan qalaxsanayseen
Qoolaysatada kuuba iyo qaawanaha ruushka
Qarbiyiinta reer orobo iyo qaahira iyo moosko
Qotiga qusuusidan hawiye iyo qaranka daaroda
Intaas quruumaha aduun qoloba meel taalo
Hadba kii wax qadhaamaya qeed ululseene
Anba quudha waa kugu arkay kuma khilaafeene
Qaylada waxa kugu wacan waa qadoodiga
Qaraamadkii gaalka beryahan Ka qatanayd
Indhawaydba quujay ahayd qarasyo wayntii
Sidii geel qasaal Ku cabay oo qarandi loo saaray
Qaanfuradi wada dibiray qaadhe waayadan
Qanci maayo iidor ilaa uurta loo qodo
Jeeray qaburuhu Bataan nagama qoofaane
Hadaan qaylisaan iyo hadaa qararac leesan
Teer iyo qiyamaha ana qoofal kugu hayne
Qoryahaga dhilo ina xirsoow waaa Lagu qoraye