GEELII DABOOLANE EE LAGA DHACAY HABARYOONIS
Gabaygani wuxuu kamid yahay gabayada laga tirshey geela labaxay daboolane oo ay daraawiishtu ka dhacday habaryoonis gabayada laga tirshey geela daboolane waa badan yihiin laakiin waxaynu soo qaadadaynaa gabaygan oo kamid ah gabayadaas wax badan baa geelaas ergo laga soo daba diray hase yeeshee qoob iyo qabuul midna lagama gaarin markii uu hadalkii geelu batay baa daraawiishi goosatay in aanay marna celindoonin geelaas waayo waxay daraawiishtu cuskanaysay in gardarrada iyo maagaba looga horeeyey isla markaana ay habaryoonistu garab iyo gaashaan unoqotay gumaysiga gaalka ah ee ay daraawiishta iska soo horjeedaan sayidka oo muujinaya mawqifkiisa baa mariyey gabayga soo socda.
Caqlillaawe iidoor waxaadan iigu coobayn
Afar halaad cayuunyahow calaanimo u yeesheen
Mid waa inaad caseeyiyo cudud gaalo u noqoteen
Midna culuq allaah oge horaa wax u cantuugteen
Midna ceeb ma waydide idinkaa carrada dilay
Marna geela caaqyahow calaf baadan ku lahayn
Afartaa cutubiyaye cutubkale waxaan iri
Haddaan caamadiinniyo cuqaashiina gawraco
Ay culumadiiniyo caydhiinu dagaagaan
Aanan cayma kaga tagin cidihiina oo idil
Afar halaan cilleeystaan ciilku iiga bi'ihayn
Mid waa ina cutuubiyo igarraha na caalaqay
Midna waxaanan ka cifayn culimadaydii aad layseen
Midna waa caraadkiyo colujoog halkuu yiri
Madna waa caruuryahay cayaartaad igu maagteen
Afartaa cutubiyaye cutub kale waxaan iri
Haddaan aniga caaqibo caynaanshe igu nicin
Cukuse aanu igu oran cabdi badhiyo reer weyd
Ragii ceelcad lagu jaray cawil iiga soo naqa
Coodkii la qaadana ciyoon iila soo orod
Ciisa dhoollawaa iyo cashuurtiina ii keen
Doonidii la caarshiyo cukaddiina ii dhiib
Cayn iyo dalkaygana cagta hayga soo dhigin
Dabadeedna cay iyo cantar yaan la ii celin
Haddii kale callownaye bal cod gabana iga maqal
Hadii laygu caashaqo caskar iyo maraakiib
Haddii ciidan fara badan laygu soo carcooriyo
Hadday soo cabaadaan cadcad iyo saraakiil
Haddaad soo cafuuftaan ciiddaa masaalkeed
Haddii cuurarkiiniyo ciidagale i weeraro
Cimrigay intaan jiro cadow hadduusan ii tudhin
In kastaad carootaan ama aad curraaftaan
Marna inaan cabiidsamo caqligiina yey gelin