Gabyaa la odhan jiray Maxamuud Daalin oo Habarjeclo ahaa baa beri geel dhulabahante ka dhacay, Dabadeedna siduu geelii u soo raad hayay buu la soo galay Nugaal iyo Sool.Nimankii reer nugaaleed buu ku yidhi: War geelaygii ma aragteen? Iyaguna ma aannaa arag bay yidhaahdeen. Labo nin buu si gooni ah usii tuhunsanaa, dabadeedna culimadii baa ku tidhi: Labadaa nin ee aad tuhusantahay baannu dhaar kuu marine , maxaad ka qabtaa? isna geeraarkan buu kaga jawaabay:
Haddaad dhaar awalkeediyo
Aakhirkeeda martaan
Waa Walaahi engeygan
Oo idin aammini maayo
Ummaddii Nebigii iyo (NNKH)
Ashraaf baydun cunteen
Oo idin aamini maato
Sida Aarkiyo goosha
Ama Awle Libaaxoo
Afmeer xoolo ku laayaad
Arkaa qaad noqoteen
Oo idin aamini maayo
Inantaa kula taal iyo
Agoon baydun dhacdeenoo
Idin aamini maayo
Nimay ayro ka fooftay
Inaydnaan ku ag joogsan
Horaa loo arki waayoo
Idin aamini maayo !
Halkaa markuu marinhayo geeraarkii ayaa rag wax ogaayi qosleen markaasaa Maxamuud ku noqday geeraarkii oo uu yidhi:
Wallee ceelki Badweyn
Cagaciid iyo Sool
Caynaboo ka korreysey
Ceeldhaab baan la cabbayn
Cidla weeye Nugaali
Cawskeedii lama daaqoo
Buuhoodlaan cammirayn
Ciid guduudani baabah
Colaaddaa amarkaa leh
Caynkii baydun waddaane
Ilaahay ka cabsoodoo
Geelaa ii cesha maanta
Carcaraaf iyo gaajo
Waxaa caato i gaadhay
Ergo waa camalkeed
Curad bay u ahayd
Idinna caasiyi mayno
Cafi baad ku tihiine
Ilaahay ka cabsoodoo
Geelaa ii cesha maanta
Qabiilkii Wacad caam ah
Calashee la dhaqaaqay
Caynkaasna caada ka yeesha
Cirku waa ka gudhaa
Cuudkuna waa ka baxaa
Cudurna waa ku dhacaa
Nabsiguna waa cirir jaan
Waa Cadceedda wareegta
Cagina waa socotaa
Carrigaanu degeynona
Cirku waa ka da'aa
Casiisna waa idin keeni
Waa cad goosan naqaanne
Ilaahay ka cabsoodoo
Geelaa ii cesha maanta
Yaasiinkaan casarkii
Cir guduuddiyo fiidka
Cishihii dabadiisa
Caweyskii akhriyaayey
Cidladaa qaban maayoo
Cuudkiinnu ku jiraaye
Carrabkaan ku hadlaayona
Nin caleenti caddaatiyo
Caamadaan garanayne
Ilaahay ka cabsoodoo
Geelaa ii cesha maanta
Halkaasaa markuu Maxamuud marinaayo geeraarka, ayaa kagu yidhi iska tag yeelna laguuma celinayo naftaada la carar intaan yadana ku dhaafin. Kadibna dhulkii uu ka soo sodcaaley ayuu dhig ugu noqdey sagoo faro madhan