GABAYGII GEESIGA WALAALLADI BAQAAN
Aadan-carab iyo marti ау xigtada ahaayeen baa arrintii way ku cuslaatay, sidii ay waagiisii Ismaaciilba ugu cuslayd. Markaas buu tiriyey gabayo ka duwan kuwuu hore ee uu tirin Jirey. Wuxuu bilaabay kuwo hul-doon ah оо uu Reer Cali-geri ugu qayshanaayo uguna sheegaayo inay kala gayb-galaan rag Іа Іаауеу u-aariddooda: marba haddaan Reer Hagar iyo Habaryoonis loo sinnayn. Isaga oo, si guud ahaaneed, Reer Cali-geri ula hadlaaya. Reer Hagar oo jifadiisa ahna geed-adaygnimo ku ammaanaya ayuu yiri:
Gobol keliya Hagar Aadan baa ula geed adage
Beladaannu gaarka u nahaye nala garaacaayo
Idinkoo Galbeed naga xigaad garan lahaydeene
Giiryaale аап soo rogayn galow hadduu duulo
Geesiga walalladi baqaan guul ku orin waaye!
Toddobada gubniye Reer Calaan noo gendo аһауп e
Sida goodirkaad ugu jirtaan gumucyadii Hawde!