Gabaygii--(Gaadhi Kari Waa)-- Suldaan Khaliif Xasan Walah
Waxa la wariyey Abwaan Suldaan Khaliif Xasan Walah Oo Kusugan Magaalada Nairobi 1971 Nin Ay Abwaanka Isku hayb Yihiin Xaal Lagu yeeshay markaasuu wuxuu u yimi Suldaanka oo wxuu ku yidhi abwaan arintaa saa dhacday markaa abwaan Sidaa Darteedna Waxaan Bixiyey Faras.
Arinkii uu u Sheegay suldaan Walah Wuu la yaabay hadalkii ninka markaasu Suldaan Walah Wuxuu yidhi adeer arrikaa kuma Qancin Arinkaasi wax dhici kara maaha wuxuna Ku War celiyey in Fardaha Nugaaleed Ay ka Qiima badan yihiin In xaal loo Bixiyo Sidaa Darteed wuxu Jirabay Qoladi Faraska Xaalka Loo Siiyey oo wuxuu Su'aalay Geenyadu markay dhasho Oo ay ilmaha diido see u gashaan Waxay ku jawaabeen anagu waa suul gorayeynaa
Intuu Suldaankii qoslay buu yidhi adeer farduhuba ilmahooda ma diidaan Markuu arkay inay ku fashilmeen Ayaa Abwaan Suldaan Khaliif Xasan walah Tiriyey gabaygan Hoos Ku Xusan:
Geeliyo fardihi nagama madhan gumaradoodii
Sidii baan gammaanka u bedraa guda nugaaleede
oo goluhu uga oodanyahay geedka saynta lehe
Oo gobolba meel aadayaa guud haldhaalaha
Ashkir gedefle, Suunaari godan maydal gudub taagan
Gorso ugub, darmaan golongoshay ay gabantu nuugayso
Iyo Bood gudoonshuhu xidhaan guriga dhaafaynin
Iyo Gaadawaynoow baroor geri lamoodaayo
iyo xamar gufaacada bartoo guluf u heensaysan
yo Gooni Daaqyada mirtoo geela lagu qaado
Iyo geenyadii wada dhashaan abid gaboobaynin
Intaasaan gawaan raaciyaa maalin lays galay
Aan orodka kala gaasirayn gaydha dirireed
Gabadh laga baxshiyo dhiig ragoo godaba mooyaane
Gobta nimanka loo daayey ee uunku wada gaatay
Ee gacaladii hooyaday guudka ku xanbaartay
garaad faaraxbaananba siin guud haldhaalaha
Gunta kuma xurmayno iyo tolyare soo gadal baxay
reer galbeedna wuxuu fuulayaa goosankii lumay
Nin Kaloo ciyaar ugu gubtaday gaadhi kari waa