Gabaygi codkar daarood abwaan suusle kaga jawaabay gabaygi caqli xumo daarod ee ina walad baas

  1. Codka gabay xuseenow baryahan Uma curaafeene 

  2. Cindigayga waataan Ka jaray cugashadiisiye 

  3. Cimilada dhulkaan eegayay iyo caynta geedahe  

  4. Maantana hadaan rag is cadibin ma carabaabeene 

  5. Cimrigoodi niman laastay oo cawdhadha yimiye 

  6. Waxa soo ciyaar guday dadaan calaf ulaabnene 

  7. Caradhadhankii iigu gafeen camadh layaashiye 

  8. Waligood markaan gabay curshaba Hays cabudhiyeene 

  9. Caadeda nin Ragu waa inuu cadaw badnaadaaye 

  10. Ninkastaa hay cilqabee maan cudiyo seefto 

  11. War wiilyahaw canaad lama noqdiyo caaq madiidinahe 

  12. Cindalaahi baa loo hadla caynka maansadee 

  13. Cabsidaan  illaah looqasdiyin waa cirka utuure

  14. Cagajeexda  ku rixinaysa kuma caqiibeene

  15. Cayayuubka xaajada ragaa Kugu cabeenaya 

  16. Ee yidhi badaa caaridka celi hujunkeeda 

  17. Marhadaad caalba uhelayn camaliyeentayda 

  18. Macareen Kara kugu filnayd cadawgan daarode 

  19. Casiirkaga jiid baan Ku iri  dhawr casho hore 

  20. Adigoo caraaba abaar ciyawgu yeedhayo 

  21. Hadii cooba weynaha libaax kuu cidiyo fiiqdo 

  22. Cilcilawgiyo beeshiyo dadka Lagu caweertaaye 

  23. Cagmarooje looguma dibjiro ey carafa ahe 

  24. Cid haraaday ceel durugsan Oo cuudku dalandoolay 

  25. Cidhiidhiga  shisheeyuhu haduu Ku casabad sheegto 

  26. Waxa ceelalyada loo dira culusta waa weyne 

  27. Adoo kale macaabiyo haday rag isku ciiraane 

  28. Casiiskaan Ku dhaartay iyo alihi caadilka ahaye 

  29. Codkar iyo aqoon Umasine hay carsha carsheene 

  30. Caqli xumo SE  waa waxa tolka baday ciqaabtaase

  31. Maxaa aniga ceebta lahayd igu calaameyay 

  32. War taarikdu caan bay ahayd  caadi loo qoraye 

  33. Haday adiga kaa    cawlan tahay waa cadaan dhagahe    

  34. Ingiiski ceeriga badiyo cadan kasoo duulay

  35. Caanaha ninkii Naga qubaye noogu celin waayay 

  36. Canabka iyo beeraha ninki Naga caleedheyay 

  37. Caradayda sooma handadeen caada qaatuhuye 

  38. Hadaydaan cilaaqad ladhigan cago masaareene 

  39. Cagadkiini baa nooga daray  caliyaw waagiye 

  40. Cimrigiina idinka ahaa caabuq Nagu yaale 

  41. Waligiin waxaad caabudaan ceeshka gaalada ahe 

  42. Maantana ciladahaad wadaan waa cayimadiiye 

  43. Haduu calanku dheeliyo adaa cunay dhankiiniye 

  44. Idinka caqaar siistay iyo cobalki shaydaane 

  45. Goorta cunaha kaa qabtayba caasi noqoteene 

  46. Caqli xumo SE waa waxa tolka baday ciqaabtaase

  47. Maxaa Aniga ceebta lahayd igu calaameyay

  48. Sayidkii colweynaha dumay   ciidankiyo xooga 

  49. Inkasto dhulbahanto camiran Lagu cileenayay 

  50. Isba caaliyu waligii ahaa caamo khayr malehe 

  51. Caqiidada islaanku watay camaladeediye 

  52. Canbaarayntu kaagama eekiyo cayda qaawaniye 

  53. Hadaan caradhuubtiyo warmaha la cokonaysiinin  

  54. Macabsado gumaystuhu ilaa loo cadigsade 

  55. Macuslaato dawladii ilaa loo casiro dhiige 

  56. Hadaan curadaydi udhiman coomir iyo wiilba 

  57. Casar dheere kama awdaleen ciidan reer yurube 

  58. Cibsi iyo abaal maleh wuxuu cunayo iidore

  59. Coodiga wankaygiyo markaan coodinka uloogay 

  60. Inaad maanta Naga coogataan waa gun camalkeede

  61. Caqli xumo SE waa waxa tolka baday ciqaabtaase 

  62. Maxaa Aniga ceebta lahayd igu calaameyay

  63. Carcar baa Ku dhacay maalintay curatay maandheeqe 

  64. Cashi iyo dhunkaal bay qabtay caano malahayne 

  65. Cosob kuma ekaan iyo aloos calan ugbaad weeyne  

  66. Inta ceelaw helay durdur lama careesine 

  67. Markii caws laan iyo abaar Lagu cirshiimeeyay 

  68. Canbaartiyo qaniinki nirgaha caymasho udiiday 

  69. Iyado caqiran maalintaad  camal gujeenaysay 

  70. Cabaadkeeda niman baa maqliyo cadhadhaq deediye 

  71. Candhadii Ku taaliyo Ka dhaye  cawin magadiiye 

  72. Waa taa  candhada giijisiyo coobka nasahe 

  73. Cashuur dhiilka  waata ninkii  culayba maalaye

  74. Rabigayba nacaanshiye ragii ciidanka ahaye 

  75. Cigaal iyo godbay Nagu rideen ciise Muuse

  76. Caqli xumo SE waa waxa tolka baday ciqaabtaase

  77. Maxaa Aniga ceebta lahayd igu calaameyay

  78. Caynaanshe guuled Hadii haada lacunsiiyay

  79. Cabdiqadir dheel iyo gabayr  culamadii diinta 

  80. Casimada weeniyo ragii cuunka Lagu toogtay 


  81. Cabdilahi liiro hadaa ciil laladi wayday 

  82. In cadaalad loowada dila caadba Kaa xigine 

  83. Carab iyo calool Kala Jira male caneqaade 

  84. Iyagana sharciga loo cuskaday waa iska cadaane 

  85. Canbuuleestayashi ladhigay calanka hoostiisa

  86. Ciil kanbi haw qaban ragii ciida iibsadaye 

  87. Cudur daar siyaad hawga  dhigin cagagas koodiye

  88. Caqli xumo SE waa waxa tolka baday ciqaabtaase

  89. Maxaa Aniga ceebta lahayd igu calaameyay

  90. Afarta cudoonida naxwahu soo cilmiyan maaha 

  91. Soo caynka maansadu halkii loo cabiray maaha 

  92. Shir lacugay calqado laysu yimi caaqil iyo shaybe 

  93. Hadii loo cimamado suldaan caano Lagu daadshay    

  94. Waxa loogu wada ciidi jiray haydin caawinade 

  95. Ana caymadaasa tolkay icarbinayeene 

  96. Hadii caajis lay filay inta ciriqa baarayay 

  97. Curuba iyo cawayski juba caawa tumayaaye

  98. Casuumada gabaygayga maan idin casheesiiyo 

  99. Canaasirta idoor haday cudud Ku faanayso

  100. Caaqibo looguma tasheen curubta  daarode  

  101. Waa hore casuuq Madhin lahayd calan mahaysteene 

  102. Cilinba ilaah kaadhigay caato iyo wayde  

  103. Waxba cawda haygeen ardaa lay canbaabulaye 

  104. Cirka meesha iigu beegan iyo cidhifka aan joogo 

  105. Hadaa caawa soo dumin kartaan haw caweenine 

  106. Adigoo cudhaadh magangalya Hays carqaladeene 

  107. Haday nabadu lama caaridee kuu cuntabi wayday 

  108. Bal cimraan iyo sanbuur hayga kaa celiyo 

  109. Cida reer subeer maleh ragay qolo Ku ciirshaane  

  110. Waligood meel lays cawaray kama ciil tirine 

  111. Culus geel ma weerarin intay col ugu duulane 

  112. Waa niman cimaarado dhisto loo camiray  daare  

  113. Cabitaanka waa niman bartay Hays cayiliyeene 

  114. Waa niman cagaar loo dadbiyo cadarki  pariise 

  115. Cusbur iyo nadiif kama tagaan  meel carqi udgoone 

  116. Waligood sidii naag carmala Hays canbariyeene 

  117. Inta cooshad raaxo leh hablaha lala carsheenayo 

  118. Inay ciidan kuu biiriyaan haw ciyaar tumine 

  119. Adigoo cudhaadh magangalya Hays carqaladeene

  120. Haday nabadu lama caaridee kuu cuntabi wayday 

  121. Bal aniga cimraan iyo sanbuur hayga kaa celiyo

  122. Ciidagale iyo Arabka baryahan Nagu cabsiinayso 

  123. Haday adiga Ku cabiidsadan anaga nama cadaadshaane 

  124. Canbaruudna iigama duwana coome dirireede 

  125. Cirsiga ayuub waxa Ku baday waa cidoodnime 

  126. Cadaan iyo madaw uumiyana duniga ceegaga 

  127. Iminkana cadkaygi ruqsado weyga caariye 

  128. Adigoo cudhaadh magangalya Hays carqaladeene

  129. Haday nabadu lama caaridee kuu cuntabi wayday

  130. Bal aniga cimraan iyo sanbuur hayga kaa celiyo

  131. Caran ceere habaryoonisti aad Ku  cindanaydene 

  132. Coomadayashi lalaa caaduqa ahaaye  

  133. Kolay Cali siciid tahay ragbaan curad unoolayne 

  134. Caynaanshe kaa dhimay haduu caagana jiraye 

  135. Kuwii maanta ciidamin lahaa cune ogaaden 

  136. Cashinkiiyo madheedhkii udiid caarada lahaaye 

  137. Caydhooda oodwayne iyo ceeg alla badaye 

  138. Adigoo cudhaadh magangalya Hays carqaladeene

  139. Haday nabadu lama caaridee kuu cuntabi wayday

  140. Bal aniga cimraan iyo sanbuur hayga kaa celiyo

  141. Cibro qaate reer daahirki camalka waalaye 

  142. Iyaguba hadaan lays cajabin lama curyaasheene 

  143. Cadil laanta reer aadan iyo cidhib laantooda 

  144. Casharkaan udhigay yeesif baan cidina moogayne 

  145. Curdan dhame samanihii doraad soo cawaal baxaye  

  146. Aduunba calaacalay markad cudhudhuq gaadheene ..

  147. Adigoo cudhaadh magangalya Hays carqaladeene

  148. Haday nabadu lama caaridee kuu cuntabi wayday

  149. Bal aniga cimraan iyo sanbuur hayga kaa celiyo

  150. Afarta cudoonida naxwahu soo cilmiyan maaha

  151. Soo caynka maansadu halkii loo cabiray maaha

  152. Shir lacugay calqade  laysu yimi caaqil iyo shaybe 

  153. Hadii loo cimamado suldaan caano Lagu daadshay

  154. Waxa loogu wada ciidi jiray haydin caawinade

  155. Ana caymadaasa tolkay icarbinayeene

  156. Hadii caajis lay filay inta ciriqa baarayay

  157. Curubiyo cawyskii juba caawa tumayaaye

  158. Casuumada gabaygayga maan idin casheesiiyo

  159. War daarod colaad Uma dhamaan caana waligoode 

  160. Cadadkooda eeba Ka dhigay   ciida oo kale 

  161. Ceeryaamadi tolka shalay Lagu Dil ciideeyay 

  162. Casasanka waabari wixii Lagu afuufayay 

  163. Cidaankiina nimankii doraad calashade ruugay  

  164. Cududii shirshoore ahayd cuurka  habarwaa e

  165. Iyagaba cabaar niman Jira cawsha weerarine 

  166. Carcartoodi bay wali qabaan caadiga ahayde 

  167. Haday kugu caweertaan waad cayni go'aysaane 

  168. Cashuur iyo adoo gibil baxsho Ku cafsho mooyaane 

  169. Cayn iyo saraar iga wala dib ugu ceeshayne 

  170. Marse hadaan cargaagtamo sidii cawli qabo aara 

  171. Cantuuga hore reer isaaq caasha  dhigayaaye

  172. War hooy caruuraha qarsada libaaxi waa cartamayaaye